HomeWarar(Faahfaahin): Weerarkii ay Alshabaab xalay ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde.

(Faahfaahin): Weerarkii ay Alshabaab xalay ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Ilo dhinaca Ammaanka ayaa u xaqiijiyey Radio Dalsan inay Alshabaab xalay dhinaca Badda ka soo weerareen Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalladda Muqdisho. Ciiddanka AMISOM ayaa la sheegay inay iska caabiyeen Weerarkaasi, iyadoo hugunka Rasaasta qoryaha Fudud iyo kuwa Culus xalay laga maqlayey magaalladda Muqdisho. Alshabaab ayaa la sheegay inay ku soo […]

- Advertisement -

Ilo dhinaca Ammaanka ayaa u xaqiijiyey Radio Dalsan inay Alshabaab xalay dhinaca Badda ka soo weerareen Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalladda Muqdisho.

Ciiddanka AMISOM ayaa la sheegay inay iska caabiyeen Weerarkaasi, iyadoo hugunka Rasaasta qoryaha Fudud iyo kuwa Culus xalay laga maqlayey magaalladda Muqdisho.

- Advertisement -

Alshabaab ayaa la sheegay inay ku soo dagaal galeen Labo Dooni ee nooca dheereeya, waxayna weerarkaasi kadib ku baxsadeen Doonyahaasi, sida uu sheegay Sarkaal ka tirsan AMISOM.

Ma jirin wax Diyaarado ah oo ka duulayey ama ku soo degayey Garoonka xilligii la soo weeraray, maadaama uusan Garoonku wax Adeeg Shaqo ah qabanin Xilliyadda Habeenimo.

Xaalladda ayaa maanta deggan, iyadoo Ciiddanka AMISOM lagu arkayo iyagoo Doonyo ku gaaf-wareegaya Xeebta dacalka ku haysa Garoonka Aadan Cadde, waxayna ururinayaan astaamihii uu dagaalkii xalay ku reebay Xeebta.

- Advertisement -

Shirkadda Diyaaradaha Turkish Airlines ayaa maanta hakisay Duullimaadkii ay ku iman jirtey Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha ee magaalladda Muqdisho, sababo la xiriira weerarkii xalay.

Dhinaca kale, Waxaan weli kala caddayn khasaaraha ka dhashay Weerarkaasi, oo ku soo beegmay xilli ay Madaxda Dowladda Qaranka iyo kuwa Maamul-gobaleedyadda uu Shir uga furmay gudaha Garoonka Diyaaradaha Aden Cadde, oo looga hadlayo Nidaamka Doorashadda ee dhici doonta sannadka soo socda.

Si kastaba ha ahaatee, Weerarka Alshabaab xalay ku soo qaadeen Garoonka Aadan Cadde ayaa u muuqday Weerarka Ku-dhufo Oo Ka-cararka (Hit and run attacks) oo ay Alshabaab ka fuliyaan Fariisimadda AMISOM iyo Saldhigyadda Ciiddanka Dowladda ku leeyihiin magaalladda Muqdisho.

© Radio Dalsan                              

Latest stories