HomeWarar(Faallo): Awood-qeybsiga Dowladda soo socota loogama maarmi karo Nidaamka 4.5

(Faallo): Awood-qeybsiga Dowladda soo socota loogama maarmi karo Nidaamka 4.5

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Inkastoo ay Siyaasiyiinta Dowladda Dhexe iyo Dowlad-gobaleedyadda ku kala Aragti duwan yihiin Nidaamka loo yegleelayo Dowladda soo socoto ayaa waxay dani waa seeto ku soo biyo shuban doontaa in ugu dambeyntii loo codeeyo Nidaamka Awood-qeybsiga Dhaqanka Siyaasadeed ee dib-u-dhiska Dowladda Somalia. Hab-dhaqankaasi ayaa u muuqqda mid ay la wada qabsadeen Siyaasiyiinta iyo Beelaha Soomaaliyeed, kuwaasi […]

- Advertisement -

Inkastoo ay Siyaasiyiinta Dowladda Dhexe iyo Dowlad-gobaleedyadda ku kala Aragti duwan yihiin Nidaamka loo yegleelayo Dowladda soo socoto ayaa waxay dani waa seeto ku soo biyo shuban doontaa in ugu dambeyntii loo codeeyo Nidaamka Awood-qeybsiga Dhaqanka Siyaasadeed ee dib-u-dhiska Dowladda Somalia.

Isbahaysiga gaas iyo madoobe

- Advertisement -

Hab-dhaqankaasi ayaa u muuqqda mid ay la wada qabsadeen Siyaasiyiinta iyo Beelaha Soomaaliyeed, kuwaasi oo Aragti ahaan rumeysan in Nidaamkaasi lagu sii dhaqmo dhowrka sannadood ee soo socda.

Madaxda Dowladda Federalka iyo Dowlad-gobaleedyadda hoos yimaada ayaa la sheegay inaysan weli isku raacin Nidaamka lagu soo dooran doono Dowladda soo socota, marka ay Dowladda Federalka xilka ka degto Bisha August ee sannadka soo socda.

isbahaysi hooseMarkaynu qiimeyno Hoggaamiyayaasha ka biyo diidsan Awood-qeybsiga haatan lagu dhaqmo, waxaa la dhihi karaa waa Hoggaamiyayaal aan weli gaarin Biseyl Siyaasadeed, isla markaana aanan Khibrad siyaasadeed ka dhaxlin Hab-dhaqanka Dowladihii Talada dalalka isaga kala dambeeyey, gaar ahaan Dowladihii KMG ee Madaxweynayaashi iMarxuum C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

- Advertisement -

Soomaalida waxay had iyo jeer u baahan tahay Xeer Jajab mideyn kara Aragtida Dadka, iyadoo la og yahay inay weli Somalia awood ku leeyihiin Beelaha ugu tunka weyn Dowladda Federalka ilaa Dowlad-gobaleedyadda, waxaana la og yahay inuu Sed-bursi xooggan ka dhex jiro Awood-qeybsiga lagu soo dhisay qaar ka mid ah Dowlad-gobaleedyadda.

Cabashadda weli taagan ee loo baahan yahay in loo helo xal degdeg ah ayaa ah Qeylo-dhaanta ka taagan Dowlad-gobaleedyadda dhismay, kuwa Magac ahaan u taagan ee aan weli la aqoonsan la’ yahay, sida Maamul-gobaleedka Khaatumo ee ay Taageerayaashooda ku firirsan yihiin Goballadda Sool iyo Sanaag.

Madaxweynaha Khaatumo, Dr. Cali Khaliif Gallayr oo Xildhibaan ah, soona noqday Ra’isul-wasaare Qaran ayaa waxa uu xusul-duub ugu jiraa sidii ay Dowladda Federalka u ictiraafi lahaayeen Maamulkiisa, lamana oga ilaa iyo haatan sababaha Khaatumo dibed-joogga uga tahay Dowlad-gobaleedyadda dhismay.

siyaasiyiintaHaddaynu u soo laabano Fikradda Hoggaamiyayaasha u ololeynayo in Dowladda soo socota lagu qeybsado Nidaamka Deegaanka, waxay wataan Aragti aan Waqtigeeda la gaarin, iyadoo la og yahay inay weli Xarakadda Alshabaab ka taliyaan Degmooyin badan oo ku yaalla Goballadda  Koonfurta, Jubbooyinka iyo Puntland.

Qoddobka kale ee Xasaasiyadda dhalin kara waxay tahay iyadoo la is-illowsiinayo Xuquuqda Walaalaha Somaliland, mana aha in la hiigsado Siyaasad lagu sii fogeynayo Xuquuqda dadka deggan W/galbeed Somalia.

Si loo helo Dowlad Mideysan oo Federal ah waxaa lama huraan ah inaysan Siyaasiyiinta, gaar ahaan Madaxda Dowlad-gobaleedyadda maro-ku-dheg ku noqonin Danta Shaqsiyadeed iyo midda Beeleed, balse loo baahan yahay in la yeesho Dareen Waddaniyad iyo Isku-doonka Ummadda Soomaaliyeed ee ku kala irdhowday Colaadaha Beeleed, kuwa Siyaasadeed iyo Faquuqa kale.

Xeeldheerayaasha waxay rumeysan yihiin in Siyaasadda haatan caqli-galka ah ee Ummaddana taageeri karaan inay tahay in la helo Dowlad Federal iyo kuwo Gobaleed oo si isku dheelitiran uga shaqeynayo Danaha Qaranka.

Markaynu isku soo duubno, Qiimeynta Sahankii Codbixinta ee Beelaha Soomaaliyeed kaga aragti dhiibteen Nidaamka lagu dooranayo Dowladda soo socota, waxaa ka muuqata in la taageersan yahay Nidaamka Awood-qeybsiga 4.5, maadaama uu yahay Nidaam Dowladeed badbaadin kara Midnimadda Qaranka iyo Mustaqbalka dalkeenna.

© Dalsan Radio          

 

 

Latest stories