HomeWararSiyaasi Kenyan ah oo raalli-gelin ka bixiyey arrinta ku aadan Qabuur-wadareedka laga...

Siyaasi Kenyan ah oo raalli-gelin ka bixiyey arrinta ku aadan Qabuur-wadareedka laga helay Mandheera.

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Mudanaha laga soo doorto magaalladda Mandheera, Senator Billow Keerow ayaa si dhaqso leh uga jawaabay  Baaq uu Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya,  Joseph Nkaissery kaga dalbaday Siyaasiyiinta W/bari inay raalli-gelin rasmi ah ka bixiyaan hadalladii ay ku sheegeen in Qabuur-wadareed dad badan lagu aasay laga helay duleedka Mandheera. Joseph Nkaissery ayaa ku goodiyey inuu Sharciga la […]

- Advertisement -

Mudanaha laga soo doorto magaalladda Mandheera, Senator Billow Keerow ayaa si dhaqso leh uga jawaabay  Baaq uu Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya,  Joseph Nkaissery kaga dalbaday Siyaasiyiinta W/bari inay raalli-gelin rasmi ah ka bixiyaan hadalladii ay ku sheegeen in Qabuur-wadareed dad badan lagu aasay laga helay duleedka Mandheera.

Joseph Nkaissery ayaa ku goodiyey inuu Sharciga la tiigsan doono, haddii  uusan Senator Billow Kerrow iyo  Xildhibaanadda kale bixinin Raalli-gelin, kana laabanin waxa uu ugu yeeray Hadalladda lagu kicinayo dadka.

- Advertisement -

Senator Billow Kerrow waxa uu tilmaamay inuu doonayo inuu u sheego dhamaan dadka Reer Kenya inay ka xun yihiin warkii ku aadanaa in la helay dhowr qabuuro-wadareed o oay ku jiraan dad la la’aa.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya,  Joseph Nkaissery ayaa ugu baaqay Hay’addaha Ammaanka inay la xisaabtamaan qof kasta oo jebiya Sharciga, wuxuuna beeniyey inay Dowladda ku lug leedahay dadka lagu la’ yahay W/bari Kenya.

Waxa uu sheegay in maydka Haweeneyda laga soo  saaray Qabuuraha ahayd Haweeney cunto-kariye u ahayd Xarakadda Alshabaab, waa sida uu hadalka u dhigay.

- Advertisement -

Allaha U Naxariistee Marxumadaasi oo la oran jirey  Isniina Muuse  Shiikh oo 29-jir ahayd,  waxaa maydkeeda laga helay Qabuur-wadareedka duleedka Mandheera, iyadoo ay ka muuqdeen dhaawacyo, lafahana laga jebiyey, sida ay sheegeen dadkii arkay maydkeeda oo laga soo saaray Qabuuraha, iyadoo uusan maydkeeda wax Karfan ah lahayn.

© Radio Dalsan       

Latest stories