HomeWararSenator Billow Keerow oo si kulul u naqdiyey Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya.

Senator Billow Keerow oo si kulul u naqdiyey Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya.

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Senator Billow Keerow oo ka tirsan Aqalka Senedka Kenya iyo 3 Xildhibaan oo la socotay ayaa la sii daayey, kadib, markii ay muddo dhowr saacadood ah  ku sugnaayeen Xarunta Dhexe ee Boliska Dembi-baarista Kenya (CID)-da ku leeyihiin magaalladda Nairobi. Mas’uuliyiintaas ayaa la sheegay inay Madaxda CID-da xayireen si wax looga weydiiyo warar ay horey u […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Senator Billow Keerow oo ka tirsan Aqalka Senedka Kenya iyo 3 Xildhibaan oo la socotay ayaa la sii daayey, kadib, markii ay muddo dhowr saacadood ah  ku sugnaayeen Xarunta Dhexe ee Boliska Dembi-baarista Kenya (CID)-da ku leeyihiin magaalladda Nairobi.

Mas’uuliyiintaas ayaa la sheegay inay Madaxda CID-da xayireen si wax looga weydiiyo warar ay horey u sheegeen oo ku saabsanaa in Mandera laga helay Qabuur-wadareed dad badan lagu aasay.

- Advertisement -

Mandera Senator Billow Kerrow22222Senator Billow Keerow oo Suxufiyiinta la hadlay markii laga soo daayey Xarunta CID-da ayaa sheegay in laga qoray hadalo ku aadan wararkiisa la xiriiray Qabuur-wadareedka laga helay Mandera.

Waxa uu mar kale raalli-gelin ka bixiyey hadalkaasi, wuxuuna u sheegay Reer Kenya inuu ka xun yahay warkaasi.

Dhinaca kale, Billow Keerow waxa uu si kulul u naqdiyey Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya, John Nkaissery, oo uu ku tilmaamay Nin aan la jaan-qaadi karin Siyaasadda Kenya, isla markaana uu xoog-muujin u adeegsanayo Xilkiisa.

- Advertisement -

Joseph NkaisserryWasiirka Arrimaha Gudaha ee Kenya, Joseph Nkaissery ayaa horey ugu baaqay inuu Senator Billow Keerow iyo Xildhibaanadda kale raalli-gelin ka bixiyaan hadalkooda ku aadanaa Qabuur-wadareedka laga helay duleedka Mandera.

Wuxuuna si aan leeleexad lahayn ugu hanjabay inuu Tallaabo Sharciga waafaqsan ka qaadayo Seantor Billow Keerow iyo Xildhibaanadda kale ee ka hadashay Qabuur-wadareedyadda laga helay Mandera.

Si kastaba ha ahaatee, Awood-muujinta Wasiirkaasi ayaa waxay horseedi karta inay Barlamaanka Kenya mooshin ka gudbiyaan, waayo Qaladka Siyaasadeed ee uu haatan ku kacay, gaar ahaan waxa uusan awood u lahayn inuu ku amro Xildhibaanadda Reer W/bari Kenya inay raalli-gelin bixiyaan.

© Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts