HomeWararNorway: Shirweyne Caalami oo Baroor-diiq loogu sameeyey Weriye Hindiya Xaaji Maxamed.

Norway: Shirweyne Caalami oo Baroor-diiq loogu sameeyey Weriye Hindiya Xaaji Maxamed.

Date:

Related stories

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Shir-sannadeedka NORD ee 2015  ayaa waxa uu ka furmay caasimadda dalka Norway ee Oslo ,waxaana Hal-ku-dhegga Shirka ee sannadkan yahay Xuquuqda Haweeneka, sinnaanta Ragga iyo Dumarka (The 2015 Norad Conference was Women’s rights and gender equality). Waxaa kaloo shirkaasi lagu soo hadal-qaaday  Arrimaha Haweenka, Nabadda, Ammaan-dhisida iyo Difaacayaasha Xuquuqda Haweenka (Women Human Rights Defender) . […]

- Advertisement -

Shir-sannadeedka NORD ee 2015  ayaa waxa uu ka furmay caasimadda dalka Norway ee Oslo ,waxaana Hal-ku-dhegga Shirka ee sannadkan yahay Xuquuqda Haweeneka, sinnaanta Ragga iyo Dumarka (The 2015 Norad Conference was Women’s rights and gender equality).

Waxaa kaloo shirkaasi lagu soo hadal-qaaday  Arrimaha Haweenka, Nabadda, Ammaan-dhisida iyo Difaacayaasha Xuquuqda Haweenka (Women Human Rights Defender) .

- Advertisement -

HASSAN SHIRE 0000Agaasimaha Fulunta ee Hay’adda Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha ee Bariga iyo Bartamaha Afrika The East and Horn of Africa Human Rights Defenders Project (EHAHRDP) Dr. Hassan Shire oo ka hadlay Shirkaasi ayaa waxay Ka-qeybgalayaasha isla wadaageen Khataraha ay la kulmaan Haweenka Suxufiyiinta ee ka dhex shaqeeya goobaha ay Colaadaha Hubeysan ka socdaan, gaar ahaan dalka Somalia.

Waxa uu tilmaamay inuu dalka  Somalia ka mid yahay dalalka sida xooggan loogu dhibaateeyo Suxufiyiinta iyo Dadka u ololeeya Xuquuqda Aadanaha, wuxuuna ku dheeraaday Halgankii Suxufinimo ee Allaha U Naxariistee Weriye Hindiya Xaaji Maxamed, wuxuuna ku tilmaamay inay ahayd Haweeney Ku-dayasho Mudan.

Dhinaca  kale, Ka-qeybgalayaasha Shirweynaha ka dhacay caasimadda dalka Norway ee Oslo  oo tiradooda dhan tahay 600 oo qof waxay Baroor-diiq  hal daqiiqo oo aamnusnaan ah u sameeyeen Saxafiyadda Soomaaliyeed ee Hindiya Xaaji Maxamed, oo Khamiistii hore lagu dilay magaalladda Muqdisho.

- Advertisement -

Saxafiyadda oo ka hawlgeli jirtay Warbaahinta Qaranka ee Radio Muqdisho iyo Telefishinka SNTV waxay u geeriyootay dhaawacyo ka soo gaaray qarax loogu rakibay gaarigeeda.

Si kastaba ha ahaatee, Tiradda Suxufiyiinta Haweenka ee lagu dilay dalkeenna Somalia, waxay dhan yihiin 3 weriye, iyadoo dhinaca kalena 6 Saxafi lagu dilay Somalia.sannadkan sii dhamaanayo.

hassan shire 1 HASSAN SHIRE 0000

nord 2015 a NORD 2015 nord 2015 c nord 2015 b

© Radio Dalsan       

Latest stories