HomeWararMadaxweynaha: “Waa inaan xaqiijinaa in shacabka Soomaaliyeed ay helaan nolol ka madaxbanaan...

Madaxweynaha: “Waa inaan xaqiijinaa in shacabka Soomaaliyeed ay helaan nolol ka madaxbanaan cabsi, amar ku taagleyn iyo cabburin’’

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Iyadoo maanta la xusayo Maalinta Caalamiga ee Xuquuqda Aadanaha, ayaa Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa uu xaqiijiyay in Soomaaliya ay ka go’an tahay dhowrista iyo kor u qaadista xuquuqda aadanaha ee waddanka.

“Waa inaan dib u cusboonaysiinaa dadaalka aan ku muujinayno sida ay inooga go’an tahay in si joogta ah loo qiimeeyo, loona xushmeeyo nolosha bani’aadamka ee gudaha dalka Soomaaliya: rag, haween iyo carruur intaba. Ma ahan in dastuurkeena iyo sharciyadeena oo keliya lagu xuso xuquuqda aadanaha, balse waxaa lagama maarmaan ah in nidaamka dowliga iyo hannanka aan leenahay ay noqdaan kuwo saamaxaya in lagu dabbaqo guud ahaan dalka Soomaaliya. Waxaa intaas dheer oo nalaga doonayaa in aan shakhsiyan xaqiijino in nolol maalmeedkeena uu noqdo mid ka tarjumaya sunnada Rasuulkeena Muxammad (Caleyhi Salaatu wa Salaam) ee ahayd inuu caawiyo dadka masaakiinta iyo kuwa nugul ee bulshada ka mid ah,’’ ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxaa Madaxweynaha uu intaa ku darey in walow dadaalo lagu xaqiijinayo dhowrista xuquuqda aadanaha ay socdaan, haddana loo baahan yahay in dadaalkaasi la labanlaabo.

“Soomaaliya waxay sameysay horumar la taaban karo, dhanka dhowrista xuquuqda aadanaha , iyadoo hawlaha dowladdana lagu saleeyay horumarkaasi, laakiin waxaa marag ma doonto ah in wax badan dhiman yihiin. Iyadoo Soomaaliya ay horay ugu sii dhaqaaqeyso dhabbadii nabadgelyada iyo barwaaqada, waxaan mar kale, ka Madaxweyne ahaan, codkayga ku biirinayaa dareenka caalamka, balanna qaadayaa xaqiijinta in dhammaan Soomaalida ay helaan nolol ka madaxbanaan cabsi, amar ku taagleyn iyo cabburin,’’ ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

–DHAMMAAD–

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so
www.villasomalia.gov.so

 

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories