HomeWararMadaxa CID-da Boliska Kenya oo xog-wareysanayo Senator Billow Keerow iyo 5 Xildhibaan...

Madaxa CID-da Boliska Kenya oo xog-wareysanayo Senator Billow Keerow iyo 5 Xildhibaan oo lagu xiray Nairobi.

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Senator Billow Keerow iyo 5 Xildhibaan oo ka soo jeeda Soomaalida-Kenya ayaa lagu xiray Garoonka Diyaaradaha ee Wilson Airport ee magaalladda Nairobi.

Mas’uuliyiintaasi ayaa la sheegay inay la qabtay, isla markii ay ka soo degeen Diyaarad ka timid magaalladda Mandera, waxaana la sheegay inay kaxeeyeen  Saraakiil Khaas ah oo ku diyaarsanaa Garoonkaasi.

bilow kerow 2Ilo-wareedyo ayaa sheegayo in Mas’uuliyiintaasi loo gudbiyey Xarunta Dhexe ee Waaxda Dembi-baarista Boliska Kenya ku leeyihiin Nairobi.

Taliyaha Waaxda Dembi-baarista Boliska Kenya (CID), John Kariuki ayaa  si shaqsi ah u waraeysanayo Xildhibaanadaasi oo iyagu dhawaan sheegay in Qabuur-wadareed laga helay duleedka Mandera.

Xildhibaanadda lala xiray Senator Billow Keerow ayaa waxaa ka mid ah Xildhibaan Maxamuud Maxamed oo laga soo doorto Galbeedka Mandera iyo Xildhibaan Maxamed Xuseen Cali oolaga soo doorto Bariga Mandera.

Xarigooda ayaa waxa uu ku soo beegmay hal maalin kadib, markii ay raalli-gelin ka bixiyeen war ku saabsanaa in Qabuur-wadareed laga helay duleedka Mandera.

Joseph NkaisserryWasiirka Arrimaha Gudaha ee Kenya, Joseph Nkaissery ayaa horey ugu hanjabay inuu Tallaabo Sharciga waafaqsan ka qaadayo Xildhibaanadda Soomaalida Kenya ee ka hadashay Qabuur-wadareedyadda laga helay Mandera.

Si kastaba ha ahaatee, Xildhibaanadaasi ayaan la filaynin in Xabsiga loo gudbiyo sababo la xiriira Xasaanadda Xildhibaanimo ee uu Sharcigu siiyey iyo cabsi laga qabo Xasaasiyad ka dhalan karta Xarigooda, maadaama ay ka soo jeedaan Qowmiyad aan oggolayn Daandaansiga iyo Caga-jugleynta.

© Radio Dalsan

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories