HomeWararShirkadda Soma Oil and Gas oo Xukuumadda Federalka ku wareejisay Xogta Sahankii...

Shirkadda Soma Oil and Gas oo Xukuumadda Federalka ku wareejisay Xogta Sahankii Shidaalka.

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Guddoomiyaha Shirkadda Soma Oil and Gas, Michael Howard oo mar madax ka ahaan jirey Xisbiga Conservative Party ee dalka Britain, ayaa haatan ku sugan magaalladda Muqdisho, isagoo Madaxda Xukuumadda Federalka u soo gudbiyey Xogta ku aadan Baaritaankii Shirkadda ay Shidaalka kaga sahminayeen Xeebaha Somalia. Guddoomiyaha waxa uu Ra’isul-wasaaraha Somalia, Omar Abdirashid maanta u gudbiyey Warbixinta […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha Shirkadda Soma Oil and Gas, Michael Howard oo mar madax ka ahaan jirey Xisbiga Conservative Party ee dalka Britain, ayaa haatan ku sugan magaalladda Muqdisho, isagoo Madaxda Xukuumadda Federalka u soo gudbiyey Xogta ku aadan Baaritaankii Shirkadda ay Shidaalka kaga sahminayeen Xeebaha Somalia.

Guddoomiyaha waxa uu Ra’isul-wasaaraha Somalia, Omar Abdirashid maanta u gudbiyey Warbixinta Baaritaankaasi, xilli uu Ra’isul-wasaaraha xariga ka jaray Dhismaha cusub ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee magaalladdan Muqdisho, kuna dhow Dhismihii burburay ee Barlamaankii hore ee Somalia.

- Advertisement -

Ra’isul-wasaaraha waxa uu tilmaamay in Tartan la dhex dhigayo Shirkadaha, loona baahan yahay in laga faa’ideysto Kheyraadka Dabiiciga ee uu dalkeenna hodanka ku yahay.

Guddoomiyaha Shirkadda Soma Oil & Gaas, Michael Howard waxa uu tilmaamay inay daraasaad  ku sameeyeen 120 Km oo isku wareeg ah oo ka mid Badda Fog ee Somalia ee  Badweynta Hindiya.

Waxa uu intaasi ku daray inay 41 million Dollar ku bixiyeen Sahmintaasi ,wuxuuna rajo fiican ka bixiyey Sahankodoa.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Maxamed Mukhtaar Ibraahim  ayaa ka warbixiyey Hawlaha Wasaaradda hor-yaalla, wuxuuna soo dhaweeyey in Xukuumadda lagu soo wareejiyey xog uruurinta shirkadda Soma Oil & Gas.

Dhismaha cusub ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta waxaa ka mid ah Qol u gaar ah Kaydka Xogta (Data Room) oo loogu talagalay in lagu xafido Macluumaadka Guud ee Wasaaradda, Shirakadaha ganacsi-wadaagga la leh iyo guud ahaan Sahminta Kheyraadka Dabiiciga ee Berriga iyo Badda Somalia.

Qolka Kaydka Xogta ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta waxaa kaloo lagu kaydin doonaa Xogaha aan weli la fasirin, Xogaha laga baaraan-degayo, Xogaha la turjumay iyo Xogaha u baahan in cilmi-baaris lagu sameeyo, lana qiimeeyo waxtarkooda.

SOM OIL 1 SOM OIL 00000 SOM OIL 2 SOM OIL 4 SOM OIL 3 SOM OIL 5

© Dalsan Radio   

Latest stories