HomeWararJaalliyadda Soomaalida ku nool Kanada oo ku baaqay in la sii daayo...

Jaalliyadda Soomaalida ku nool Kanada oo ku baaqay in la sii daayo Somali-Canadian ku xiran Ethiopia.

Date:

Related stories

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Wasiir Xoosh oo booqday matxafka Qaranka ee ciidanka Algeria

Wasiir Xoosh oo booqday Matxafka Qaranka ee Algeria. Wuxuu xusay halgankii gobannimo-doonka iyo muhiimadda iskaashiga labada dal.

Digniin culus: Farmaajo oo Mareykanka kula Wadaagay khilaafka doorashada

Farmaajo oo kulan la qaatay diblomaasiyiinta Mareykanka, kuna digay doorasho hal dhinac ah. “Mucaaradku ma aqbali doono,

Somalia Trains First Government Cybersecurity Cohort

The National Communications Authority (NCA) has completed its first...

Labo Xildhibaan oo ka tirsan Barlamaanka Canada iyo xubno ka tirsan Jaalliyadda Soomaalida ku nool caasimadda dalkaasi ee Ottawa ayaa soo cusbooneysiiyey Ololahooda ku aadan sidii Dowladda Ethiopia loogu cadaadin lahaa in la sii daayo Bashiir Makhtal Daahir oo horey loogu xukumay Xabsi Daa’im.

Qoyska Bashiir Makhtal Daahir waxay walaac xooggan ka muujiyeen xaalladiisa caafimaad, waxayna mar kale ugu baaqeen Dowladda Canada inay qaadaan Tallaabooyin Bashiir Makhtal Daahir dib loogu soo celinayo dalka Canada.

Bashir Makhtal, oo degganaa kana shaqeysan jirey magaalladda Toronto waxa sannadkii 2006-dii lagu qabtay xuduudka Somalia iyo Kenya, kadibna Madaxda Kenya waxay u gudbiyeen Dowladda Ethiopia.

Sannadkii 2009-kii, waxaa la soo taagay Maxkamad ku taalla caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Abeba, iyadoo lagu soo oogay falal la xiriiray Argagixiso, balse waa uu beeniyey Eedeymahaasi.

Maxkamaddu waxay ku xukuntay Xabsi Daa’im, balse, Dowladda Canada ayaa galangal ugu jirta sidii loo sii dayn lahaa Eedeysanahaasi oo uu  Aabihiisu ahaa Asaasihii Jabhadda Hubeysan ee Xorreynta Ogaadeeniya “ The Ogaden National Liberation Front (ONLF) ee u dagaalama Madax-bannaanida dhulka Soomalida ee Ethiopia.

CANADIAN canadian 3 canadian 2

© Radio Dalsan   

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories