HomeWararBoliska Maraykanka oo baaraya geerida wiil Soomaali ah oo dabaq laga soo...

Boliska Maraykanka oo baaraya geerida wiil Soomaali ah oo dabaq laga soo tuuray.

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Boliska magaalladda Seattleee dalka Maraykanka ayaa sheegay inay ku hawlan yihiin baaritaankaasi, iyadoo ay dadka Muslimiinta ku nool Maraykanka ka keeneen su’aal qaabka uu dilkaasi u dhacay. Wiilka la dilay ayaa la oran jirey Xamsa Warsame, wuxuuna Arday ka ahaa Dugsi Sare iyo Kolejka Seattle Central College. Waalidkiisa waxay la xiriireen Boliska, kana codsadeen Baaritaanka […]

- Advertisement -

Boliska magaalladda Seattleee dalka Maraykanka ayaa sheegay inay ku hawlan yihiin baaritaankaasi, iyadoo ay dadka Muslimiinta ku nool Maraykanka ka keeneen su’aal qaabka uu dilkaasi u dhacay.

Wiilka la dilay ayaa la oran jirey Xamsa Warsame, wuxuuna Arday ka ahaa Dugsi Sare iyo Kolejka Seattle Central College.

- Advertisement -

Waalidkiisa waxay la xiriireen Boliska, kana codsadeen Baaritaanka Kiiskaasi, inkastoo ay Boliska sheegeen inaysan weli dad u soo xiran dilkaasi.

Hadal ka soo baxay Waaxda Dab-damiska ee magaalladda Seattle (The Seattle Fire Department) ayaa lagu sheegay inay u gurmadeen Wiilkaasi da’da Tobanaadka ku jiray, kaasi oo ka soo dhacay Dabaq 60 cagood ka sarreeya dhulka.

Dhinaca kale, qaar ka mid ah Ardayda Muslimiinta ku nool bartamaha magaalladda Seattle ayaa sheegay inay cabsi xooggan dareemeen, kadib, markii la dilay Xamsa Warsame.

- Advertisement -

Qoraallo la soo dhigay Baraha Bulshadda (Social Media) ayaa sheegay in laga yaabo dilkii Xamsa Warsame qeyb ka yahay Nacaybka loo muujinayo Muslimiinta ku nool Maraykanka.

© Radio Dalsan   

Latest stories