HomeWararWaalidka Ninkii Soomaaliga ee dadka ku dhaawacay London oo horey Boliska UK...

Waalidka Ninkii Soomaaliga ee dadka ku dhaawacay London oo horey Boliska UK uga digay Wiilkooda.

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Boliska Scotland Yard ee dalka Britain ayaa qiray inay Qoyska Muxiyadin Mire ay saddex isbuuc ka hor uga digeen Boliska inay ka walaacsan yihiin Wiilkooda, waxayna codsadeen in lagu sameeyo Baaritaan dhinaca Dhimirka. Wargeyska The Telegraph ee ka soo baxa London ayaa qoray inay Qoyska ka digeen Dabeecadda cusub ee ay ku arkeen Wiilkooda, walow […]

- Advertisement -

Boliska Scotland Yard ee dalka Britain ayaa qiray inay Qoyska Muxiyadin Mire ay saddex isbuuc ka hor uga digeen Boliska inay ka walaacsan yihiin Wiilkooda, waxayna codsadeen in lagu sameeyo Baaritaan dhinaca Dhimirka.

Wargeyska The Telegraph ee ka soo baxa London ayaa qoray inay Qoyska ka digeen Dabeecadda cusub ee ay ku arkeen Wiilkooda, walow aysan sheegin inay uga baqanayaa inuu Xagjir yahay.

- Advertisement -

Mohamed Mire oo la dhashay Eedeysanaha ayaa sheegay inuu walaalkiisa Muxuyadin Mire muddo 3 bilood Isbitaalka ku jiray sannadkii 2007-dii, wuxuuna xusay inay Maamulka Dowladda Hoose ku wargeliyeen dhibaatadiisa, balse ay ka gaabsadeen maadaama uu ahaa qof aan dhibaato u geysanin Bulshadda kale.

Isagoo xalay la hadlayey Telefishinka Channel 4 News waxa uu tilmaamay inuu Walaalkiisa isku buuqsan yahay, isla markaana uu qorshuhu ahaa inay isaga iyo hooyo u safraan Somalia hal habeen ka hor habeenkii uu dhowrka qof ku dhaawacay Bosteejadda Tareenadda ee ku yaalla Bariga London.

Wuxuuna intaasi ku daray inay doonayeen  in Muxiyadiin Mire lagu soo daaweeyo Somalia, isagoo dhinaca kalema qiray inuu Walaalkiisa ahaa qof ay Balwadda Xashiisha dilootay.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Muxiyadiin Mire oo 29 jir ah ayaa waxa uu shalay galab  ka soo hor muuqday Maxkamadda Westminster, iyadoo aad loo adkeeyey Ammaanka.

Muxiyadiin Mire oo ah Somali British waxa keliya oo ay Xeer-beegtida Maxkamadda maanta weydiiyeen inuu xaqiijiyo magaciisa, da’diisa iyo Cinwaanka halka uu deggan yahay, waxaana la filayaa in mar kale la soo maxkamadeeyo maalinta ee soo socota.

Muhaydin Mire sawir-gacmeedka Muhyadin Mire

muxiyadin 222 MUXYADDIIN 1 GAADIIDKA XABSIGA

© Radio Dalsan

Latest stories