HomeWararMadaxweynaha: “Dowladda waxay dhiirigelineysaa nidaamka ganacsiga xorta ah, ganacsatadana waxaa looga fadhiyaa...

Madaxweynaha: “Dowladda waxay dhiirigelineysaa nidaamka ganacsiga xorta ah, ganacsatadana waxaa looga fadhiyaa inay canshuurta bixiyaan’’

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaasi rasmi ah magaalada Muqdisho uga furey Xarunta Keydka Dhexe ee Shidaalka oo ay hirgeliyeen ganacsato Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay in mid ka mid ah kaabeyaashii dhaqaalaha ee dagaalka sokeeye ku burburey maanta dib loo unkay.

“Waddankan inagaa ayaa duminay haddaan nahay Soomaali, dib u dhiskiisana inaga ayaa la inooga fadhiyaa. Shirkadda Somali Fuel Company ee mashruucan hirgelisayna waxay qeyb ahaan fulisey baaqii aan horay u soo jeediyay ee ahaa DALKAAGA DHISO. Waddanka si tartiib tartiib ah ayuu uga soo kabanayaa dhibaatadii nagu habsatey’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxaa uu intaa ku darey Madaxweynaha in wax walba ay ku qurxoon yihiin marka nidaam loo sameeyo, lagama maarmaanna ay tahay in ganacsigeena uu noqdo mid sharciga waafaqsan.

“Ganacsiga waddankeena waa in shuruuc loo sameeyaa si uu u noqdo mid la jaanqaada ganacsiga kale ee caalamka. Waad aragtaan in ganacsatadeena ay hanti badan geliyeen dalalka shisheeye , iyagoo taas sabab uga dhigaya jiritaanka nidaam iyo sharci ganacsi oo lagu kala dambeeyo. Inaan nidaam sameysano waxay naga caawineysaa soo jiidashada maalgashi ka yimaada dibedda iyo gudaha, haba ugu badnaadeen Soomaalida’’.

Waxaa uu sheegay in dowladdu ay dhiirigelinayso ganacsiga xorta ah, ayna ugu baaqeyso Soomaalida inay horseed ka noqdaan maalgashiga lagu sameynayo waddankooda, si ay horumar u gaaraan.

“Waan dhiirigelinayaa ganacsiga xorta ah. Ganacsatada Soomaalida ee waddankooda maalgashanayaa aad baan u bogaadinayaa, balse waa inaaney ilaabin waajibka kale ee ka saaran bixinta canshuurta si loo dedejiyo dib u dhiska dalka, iyadoo laga duulayo duruufta gaarka ah ee dalkeena haysta’’.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu dambeyn ugu baaqey hay’adaha dowliga ee ku shaqada leh in la dardar-geliyo la socodka tayada badeecadaha kala duwan ee suuqyadeena lagu iibiyo. Munaasabaddan ayaa waxaa ka soo qeybgaley hadalona ka jeediyay mas’uuliyiin ka tirsan labada gole, iyo madaxda shirkadda Somali Fuel Company.

DEKEDDA 1 DEKEDDA 2 DEKEDDA DEKEDDA 4 DEKEDDA 3

—DHAMMAAD—

Daud Aweis

Afhayeenka Madaxtooyada

Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya

Email: daweis@presidency.gov.so

www.villasomalia.gov.so

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories