HomeWararDowladaha Maraykanka iyo Somalia oo ka wada hadlayo Somali-Maraykan ka tirsanaa Alshabaab...

Dowladaha Maraykanka iyo Somalia oo ka wada hadlayo Somali-Maraykan ka tirsanaa Alshabaab oo isa soo dhiibay.

Date:

Related stories

President Hassan Sheikh Travels to Djibouti for President Guelleh’s Inauguration

Somali President Hassan Sheikh Mohamud arrived in Djibouti on...

Somalia Faces 40% Drop in Imports and Rising Inflation, Cabinet Responds

Somalia’s federal cabinet today approved new security regulations and...

Soomaaliya iyo Burkina Faso oo iska kaashanaya amniga

Fartaag oo Burkina Faso kula wadatay argagixisada Ouagadougou, – Wasiirka Amniga...

Somalia’s Office of Attorney General Presses Charges on Saadiya Bajaj

The Office of the Attorney General of Somalia announced...

Deni oo tababar hubka culus u furay dagaalka Argagixisada

Puntland: Madaxweyne Deni oo tababar hubka culus iyo hoggaaminta u furay duufacdii 6-aad ee PMPF. “Waxaan kalsooni qabaa in ay difaaci doonaan dadka.” Akhri maqaalka

Ergadda Maraykanka ugu qaabilsan Arrimaha Somalia ayaa la sheegay inay  Dowladda Somalia kala hadlayaan arrinta Nin Somali-Maraykan lagu magacaabo Mohamed Abdullahi Hassan oo ka tirsanaa Xarakadda Alshabaab , balse dhawaan isku soo dhiibay Haya’addaha Ammaanka ee Somalia.

Qoraal E-mail oo ay Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka u direen Wakaalladda Wararka ee AP ayaa lagu sheegay inuu Ninkaasi bishan 6-dii isku soo dhiibay Hay’addaha Ammaanka ee Dowladda Somalia.

tate Department spokeswoman Pooja JhunjhunwalaAfhayeenadda Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka, Pooja Jhunjhunwala ayaa sheegtay inuu Mohamed Abdullahi Hassan oo ku magac dheer Miski ku jiro gacanta Hay’adda Sirdoonka iyo Ammaanka Somalia (NISA).

Waxay intaasi ku dartay in ay Ergadda Maraykanka ugu qaabilsan Arrimaha Somalia haatan ku sugan yihiin magaalladda Muqdisho, iyagoo Dowladda Somalia kala xaajoonayo arrintaasi

“Faahfaahin dheeraad xilligan kama hayno waxa ka soo baxay Wada-xaajoodkaasi” ayey ku gaabsatay Afhayeenadda Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka, Pooja Jhunjhunwala.

VS 2Hadalkeeda ayaa waxa uu ku soo beegmayaa iyadoo Wafdi uu hoggaaminayo Ergayga Maraykanka ugu qaabislan Arrimaha Somalia,  David H. Kaeuper uu booqasho ku joogo magaalladda Muqdisho.

Ergayga waxa uu shalay la kulmay Madaxweyne Hassan Sheikh, mana kala cadda inay isku soo hadal-qaadeen arrintaasi iyo in kale.

Warar kale ayaa waxay sheegayaan inay Saraakiil ka kala socota Hay’addaha Sirdoonka ee Maraykanka iyo Somalia iska kaashanayaan baaritaanka  Kiiska Labo Muwaadin oo Maraykan ah oo ka soo goostay Ururka Alshabaab, iskuna soo dhiibay Dowladda Somalia.

Dowladdaha Maraykanka iyo Somalia kama dhexeeyo wax heshiis ah oo ay isugu wareejin karaan dadka Dembiilayaasha ee la baadi-goobayo.

Dhinaca kale, Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Maraykanka ee Gobalka Minnesota kama hadlin Is-dhiibista Mohamed Abdullahi Hassan oo dhowr jeer lagu soo eedeeyey falal Argagixiso.

Xafiiska Waaxda Dembi-baarista Boliska  Federalka Maraykanka “FBI” ee magaalladda Minneapolis wey ka gaabsadeen inay ka hadlaan Kiiskaasi.

Mohamed Abdullahi Hassan oo lagu naanayso “Miski” waxa uu magaalladda Minneapolis ee dalka Maraykanka ka soo dhoofay isagoo 17-jir ah, wuxuuna ku biiray Alshabaab bishii August ee sannadkii 2008-dii.

Agaasimaha Kooxda Sirdoonka ee SITE ee la socota Warbaahinadda Kooxaha Islaamiyiinta, Rita Kataz waxay sheegtay inuu Mohamed Abdullahi Hassan qaatay go’aan sax ah, si uu naftiisa u badbaadiyo.

Waxay sheegtay inuu Mujaahid Miski leeyahay ugu yaraan 33 Cinwaano Twitter ah oo uu ugu adeegsan jirey Warbaahinta Bulshadda, si uu u tashkiilo Dagaalamayaasha cusub ee doonaya inay ku biiraan Kooxda Daacish.

Rita Kataz waxay kaloo sheegtay haddii uu sax noqdo hadalka Waaxda Arrimaha dibedda Maraykanka ee ku aadan inuu isa soo dhiibay Ninkaasi, waxay samayn doontaa macno weyn, waayo Xarakadda Alshabaab waxay gacan bir ah ku qabanayaan kuwa ay u arkaan inay taageeraan Kooxda Daacish, waa sida ay hadalka u tiri.

© Radio Dalsan   

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories