HomeWararRa'isul-wasaaraha iyo Madaxda Dowlad-gobaleedyadda oo ku soo wajahan Muqdisho

Ra’isul-wasaaraha iyo Madaxda Dowlad-gobaleedyadda oo ku soo wajahan Muqdisho

Date:

Related stories

Muqdisho Oo Shaacisay Natiijada Fasalka 8aad 2025-2026

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay natiijada imtixaanka Fasalka 8aad, iyadoo saddex arday lagu dhawaaqay inay kaalmaha ugu sarreeya galeen, lana guddoonsiiyay abaalmarinno.

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Ra’isul-wasaaraha Xukuumadda Federalka iyo Madaxweynayaasha Puntland, Galmudug iyo Jubbaland ayaa la filayaa inay maanta ka soo ambabaxaan magaalladda Gaalkacayo oo ay u joogeen hawlo Nabadayn ah iyo Dhaqangelinta Heshiiska Nabadda Gaalkacayo. Madaxda ayaa la filayaa inay maanta soo gaaraan magaalladda Muqdisho, si ay uga qeyb galaan Shirka Madasha Wada-tashiga Qaranka oo berri furmi doona. Shirkaasi […]

- Advertisement -

Ra’isul-wasaaraha Xukuumadda Federalka iyo Madaxweynayaasha Puntland, Galmudug iyo Jubbaland ayaa la filayaa inay maanta ka soo ambabaxaan magaalladda Gaalkacayo oo ay u joogeen hawlo Nabadayn ah iyo Dhaqangelinta Heshiiska Nabadda Gaalkacayo.

Madaxda ayaa la filayaa inay maanta soo gaaraan magaalladda Muqdisho, si ay uga qeyb galaan Shirka Madasha Wada-tashiga Qaranka oo berri furmi doona.

- Advertisement -

Shirkaasi ayaa lagu eegi doonaa Natiijooyinkii ka soo baxay Cod-ururinta dadka ku nool Goballadda ee ku aadanaa Qaabka ay Doorasho uga dhici karto dalkeenna sannadka soo socda.

Warar Hordhac ayaa sheegaya inay Maamulladda Puntland iyo Jubbaland doonayaan in Doorashadda lagu saleeyo Degmooyinkii dhisnaa Xilligii Dowladdii Kacaanka.

Dhinaca kale, Dowlad-gobaleedyadda Galmudug iyo K/galbeed ayaa la sheegay inay doonayaan in Doorashadda lagu saleeyo Nidaamka Qeybsiga ee 4.5 o oay Dowladda Dhexe ku dhisan tahay.

- Advertisement -

Si kastaba ha ahaatee, Shirka Madasha Wada-tashiga Qaranka ayaa waxa uu dhowr maalmood dib uga dhacay xilligii la ballansanaa, waxaana taasi ugu wacan Xiisaddii Colaadeee ee Ciiddanka Puntland iyo kuwa Galmudug ku dhex maray magaalladda kala-qeybsan ee Gaalkacyo.

© Radio Dalsan          

Latest stories