HomeWararMadaxweyne Xasan: "Waxaan culayska saarnay Nabadda iyo Deganaanshaha, si loo dhiiri-geliyo Maalgashiga...

Madaxweyne Xasan: “Waxaan culayska saarnay Nabadda iyo Deganaanshaha, si loo dhiiri-geliyo Maalgashiga Shisheeyaha.

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Madaxweynaha DFS, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi Khaas oo Wakaalladda Wararka Shiinaha ee XINHUA siiyey muddadii uu ka qeyb galayey Shir-madaxeedkii Shiinaha iyo Afrika oo lagu soo gebagebeeyey magaalladda Johansburg ee dalka Koonfurta Afrika.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay inay Dowladiisa soo dhaweynayaan Maalgashiga Shisheeyaha, isagoo xusay in wax weyn laga qabtay Nabadda iyo Deganaanshaha Somalia.

Waxa uu intaasi ku daray inay Ciiddanka Dowladda iyo kuwa AMISOM waxay horumar ka gaareen Dagaalka ay kula jiraan Alshabaab, waa sida uu hadalka u yiri.

“Ka hor, Dowladda Somalia waxay maamuli jirtey 6 Degmo oo ka mid ah 17-ka Degmo ee magaalladda Muqdisho, waxaan dib u qabsanay inta badan Degmooyinkii ku jiray gacanta Alshabaab” ayuu yiri, waxa uu intaasi ku daray inay Alshabaab haatan maamulaan Deegaano aad u kooban, balse aysan ku sugnayn magaallooyinka waa weyn iyo Degmooyinka.

Dhinaca kale, Madaxweynuhu waxa uu  wareysiga uu siiyey Wakaalladda Wararka ee XINHUA aad uga hadlay Xiriirka soo-jireenka ee Dowladaha Somalia iyo Shiinaha, wuxuuna xusay inay Dowladda Somalia  aad u danaynayso in la xoojiyo Xiriirka Shiina iyo in ay Dowladda shiinaha taageero ka geystaan xal-u-helista Dhaqaalaha, Siyaasadda iyo Ammaanka Somalia.

Waxa uu tilmaamay in Taageeradda Farsamadda iyo Maaliyadda ee Shiinaha taageero ka geysan doonaan Horumarinta Kheyraadka Badda, Beeraha iyo dhismaha Wadooyinka.

Dhinaca kale, Madaxweynaha waxa kaloo uu Wareysigiisa ku soo hadal-qaaday Kulankii uu dhigiisa dalka Shiinaha, Xi Jinping la yeeshay muddadii uu Shir-madaxeedka Iskaashiga Afrika iyo Shiinaha (FOCAC) ka socday magaalladda Johansburg ee dalka Koonfurta Afrika.

Waxa kaloo uu sheegay inuu Madaxweynaha Shiinaha ballanqaaday inuu Taageero ka geysan doono Dib-u-dhiska Somalia, si ay Tusaale ugu noqoto Dhabaha Maalgahiga, isla markaana ay Wafdi Shiinaha imaan doonaan si ay gacan uga geystaan Xaalladda Ammaanka iyo meelaha kale ee Faragelinta u baahan.

© Radio Dalsan

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories