HomeWararJimcaha oo mar kale la soo maxkamadeynayo Ninkii Soomaaliga ee geystay weerarkii...

Jimcaha oo mar kale la soo maxkamadeynayo Ninkii Soomaaliga ee geystay weerarkii London.

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Muxiyadiin Mire oo 29 jir ah ayaa waxa uu maanta ka soo hor muuqday Maxkamadda Westminster, iyadoo aad loo adkeeyey Ammaanka. Eedeysanaha waxaa lagu soo oogay isku-day dil nin 56-jir ah, iyadoo uu Dacwad-oogaha u sheegay Maxkamadda inuu falkaasi ahaa mid Argagixiso. Muuqaalo iyo Calanka Daacish ayaa la sheegay in laga helay Mobaylka Muxiyadiin Mire […]

- Advertisement -

MUXYADDIIN 1Muxiyadiin Mire oo 29 jir ah ayaa waxa uu maanta ka soo hor muuqday Maxkamadda Westminster, iyadoo aad loo adkeeyey Ammaanka.

Eedeysanaha waxaa lagu soo oogay isku-day dil nin 56-jir ah, iyadoo uu Dacwad-oogaha u sheegay Maxkamadda inuu falkaasi ahaa mid Argagixiso.

- Advertisement -

Muuqaalo iyo Calanka Daacish ayaa la sheegay in laga helay Mobaylka Muxiyadiin Mire kadib, markii uu weerarka ka geystay Bosteejadda Leytonstone ee W/bari London.

Boliska waxay sheegeen inay Mobaylkiisa ka heleen Sawiro kale oo xiriir la leh Weerarkii Paris iyo Tababar  Boliska Britain dhawaan loogu carbinayey qaabka loola macaamiltano karo haddii la arko Nin khatar ku ah Toogashada.

sawir-gacmeedka Muhyadin MireMuxiyadiin Mire oo ah Somali British ah waxa keliya oo ay Xeer-beegtida Maxkamadda maanta weydiiyeen inuu xaqiijiyo magaciisa, da’diisa iyo Cinwaanka halka uu deggan yahay.

- Advertisement -

Maxkamaddu ma dhegeysan wax faahfaahino oo ku aadan Weerarkaasi, balse Muuqaalo Online ayaa laga arkayey Falkii Eedeysanaha  ku weeraray ninka iyo hal mar oo uu oranayo: “Tani waa fal-celintii Syria” iyo “Dhamaan Dhiigiina waa  quban doonaa”.

Eedeysane Muxiyadiin Mire waxaa dib loogu celiyey Xabsiga, waxaana la filayaa in maalinta Jimcaha la soo taago Maxkamadda Dhexe ee Dembiyadda “London’s Central Court” ee The Old Bailey.

muxiyadin 222

© Radio Dalsan

Latest stories