HomeWararAskar Kenyan ah oo dhimasho iyo dhaawac kala kulmay Qarax Miino

Askar Kenyan ah oo dhimasho iyo dhaawac kala kulmay Qarax Miino

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

  Hal Askari oo Kenyan ah ayaa geeriyooday, 3 kalena wey ku dhaawacmeen, kadib, markii ay miino la kacday gaarigii ay la socdeen. Qaraxaasi ayaa la sheegay inuu xalay ka dhacay Deegaanka Ishakani, xilli ay Ciiddanka ku jireen Ilaalo Roondo ah. Afhayeenka Ciiddanka Kenya, David Obonyo waxa uu sheegay inay 3 askari ku dhaawacantay Qaraxaasi, […]

- Advertisement -
- Advertisement -

 

Hal Askari oo Kenyan ah ayaa geeriyooday, 3 kalena wey ku dhaawacmeen, kadib, markii ay miino la kacday gaarigii ay la socdeen.

- Advertisement -

Qaraxaasi ayaa la sheegay inuu xalay ka dhacay Deegaanka Ishakani, xilli ay Ciiddanka ku jireen Ilaalo Roondo ah.

Afhayeenka Ciiddanka Kenya, David Obonyo waxa uu sheegay inay 3 askari ku dhaawacantay Qaraxaasi, kuwaasi oo haatan lagu daaweynayo Isbitaalka The War Memorial Hospital oo ku yaalla magaalladda Nairobi.

Afhayeenka waxa uu ku eedeeyey Dagaalamayaasha Alshabaab inay miinadda ku aaseen Deegaanka Ishakani oo ay inta badan gaadiidka Ciiddanka Kenya sii maraan.

- Advertisement -

Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa la sheegay inay qaraxa kadib dib ugu soo laabteen fariismo ay ku leeyihiin Xuduudka dhinaca Somalia.

Dhinaca kale, Diyaaradaha Dagaalka ee Kenya ayaa la sheegay inay shalay duqeeyeen Labo Xero oo ay Dagaalamayaasha Alshabaab ku leeyihiin Gobalka Jubbadda hoose.

Wargeyska The Star ayaa sheegay inay Diyaaradaha duqeeyeen Xerooyinka Tababaradda iyo Loojistikadda oo ay  Alahsabaab ku leeyihiin Tuullooyinka Diif iyo Yara Lafagari.

Duqeyntaasi ayaa dhacday 12 saacadood kadib, markii ay Diyaaradaha Droneska Maraykanka duqeeyeen, isla markaana burburiyeen Xerooyin kale oo ay Alshabaab ku leeyihiin Koonfurta Somalia.

Dhinaca kale, Xarakadda Alshabaab kama hadlin Duqeymahaasi, mana jiraan warar madax bannaan oo xaqiijinaya Khasaaraha ka dhashay duqeymahaasi.

© Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts