HomeWararDifaacayaasha Xuquuqda Aadanaha ee Geeska Afrika oo cambaareeyey dilkii Weriye Hindiya Xaaji Maxamed.

Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha ee Geeska Afrika oo cambaareeyey dilkii Weriye Hindiya Xaaji Maxamed.

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Agaasimaha  Mashruuca Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha ee Geeska Afrika (East and Horn of Africa Human Rights Defenders Project (EHAHRDP), Dr. Hassan Shire ayaa sheegay inay cambaaraynayaan falkaasi, isla markaana ay tacsi u dirayaan Qoyskii, Ehelladdii iyo Asaabtii ay ka geeeriyootay Marxumadaasi oo bishan December 3-dii u geeriyootay dhaawacyo ka soo gaaray qarax miino oo lagu xiray […]

- Advertisement -

Agaasimaha  Mashruuca Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha ee Geeska Afrika (East and Horn of Africa Human Rights Defenders Project (EHAHRDP), Dr. Hassan Shire ayaa sheegay inay cambaaraynayaan falkaasi, isla markaana ay tacsi u dirayaan Qoyskii, Ehelladdii iyo Asaabtii ay ka geeeriyootay Marxumadaasi oo bishan December 3-dii u geeriyootay dhaawacyo ka soo gaaray qarax miino oo lagu xiray gaarigeeda.

Dr. Hassan Shire waxa uu tilmaamay inay Suxufiyiinta Soomaaliyeed muddo dheer lagu hayey dilalka, wuxuuna Dowladda Federalka ugu baaqay in kuwii dilay Weriye Hindiya Xaaji Maxamed iyo Suxufiyiinta kale la hor keeno Sharciga.

- Advertisement -

Allaha U Naxariistee Hindiya Xaaji Maxamed waxay Barnaamij-soo-saare iyo War-akhriye ka ahayd Warbaahinta Qaranka ee Radio Mogadishgu iyo Telefishinka SNTV, waxayna ahayd Xaaskii Weriye  Liibaan Cali Nuur oo  isaga iyo 3 Saxafi oo kale lagu dilay bishii September ee sannadkii 2012-kii qarax ka dhacay magaalladda Muqdisho.

Dhinaca kale, Shantii sanno ee la soo dhaafay 25 Saxafi ayaa lagu dilay gudaha dalka Somalia, waxayna Somalia ka mid tahay dalalka ugu khatarta badan ee ay Suxufiyiinta ka hawl-galaan.

© Radio Dalsan                

Latest stories