HomeWarar11,000 oo Tahriibayaal Somali ah oo sannadkan gaaray Europe iyo Tahriibayaal cusub...

11,000 oo Tahriibayaal Somali ah oo sannadkan gaaray Europe iyo Tahriibayaal cusub oo la badbaadiyey.

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Hay’adda Caalamiga ee Socdaalka (IOM) ayaa shaacisay Tiradda Tahriibayaasha Afrikaanka ee sannadkan gaaray Xeebaha Europe, gaar ahaan Xeebaha dalka Talyaaniga. Tiro-koob ay Hay’addu soo saartay ayey ku sheegtay in 2,478 Tahriibayaal Afrikaan ah bishii hore gaareen Xeebaha Talyaaniga, iyadoo ay tiradaasi Hoos u dhacday marka loo eego Tahriibayaashii bishii June soo gaaray Xeebaha Talyaaniga, kuwaasi […]

- Advertisement -

GURMADHay’adda Caalamiga ee Socdaalka (IOM) ayaa shaacisay Tiradda Tahriibayaasha Afrikaanka ee sannadkan gaaray Xeebaha Europe, gaar ahaan Xeebaha dalka Talyaaniga.

Tiro-koob ay Hay’addu soo saartay ayey ku sheegtay in 2,478 Tahriibayaal Afrikaan ah bishii hore gaareen Xeebaha Talyaaniga, iyadoo ay tiradaasi

- Advertisement -

Hoos u dhacday marka loo eego Tahriibayaashii bishii June soo gaaray Xeebaha Talyaaniga, kuwaasi oo dhamaa 23,186 qof.

Hay’adda IOM, waxay sheegtay in tirada Tahriibayaasha Soomaalida ee sannadkan soo gaaray Xeebaha Talyaaniga dhan yihiin 11,000 oo qof.

Waxaa kaloo sannadkan Xeebaha Talyaaniga gaaray 20,000 oo Tahriibayaal u dhalatay dalka Nigeria, iyo ku-dhawaad 38,000 oo u dhalatay dalka Eritrea.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Ciiddanka Badda ee dalalka Talyaaniga, Spain iyo Britain waxay maalintii Khamiista badbaadiyeen 1,984 Tahriibayaal, kuwaasi oo badankooda u kala dhashay Somalia,
Wasaaradda Difaaca ee dalka Spain waxay sheegtay inay ciiddankooda badbaadiyeen 286 Tahriibayaal la socday dooni alwaax ah oo dherekeedu ahaa 15 mitir, iyadoo dadka la soo badbaadiyey u kala dhasheen dalalka Somalia, Eritrea, Ethiopia, Libya, Mauritania, Yemen, Mali iyo Moroko.

GURMAD 2
TAHRIIBAYAAL 2

GURMAD

© Radio Dalsan         

 

Latest stories