HomeWararMadaxweynaha: “Waqtigii isla xisaabtan la’aanta waa uu dhammaadey, Dagaalka Gaalkacyo waa in...

Madaxweynaha: “Waqtigii isla xisaabtan la’aanta waa uu dhammaadey, Dagaalka Gaalkacyo waa in la joojiyaa”

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa nasiib darro ku tilmaamay dagaalka dib uga qarxay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, ee u dhexeeya maamullada Galmudug iyo Puntland. “Waa nasiib darro in la xushmeyn waayo ballanqaadkii shaley ay madaxda Puntland iyo Galmudug ku galeen Gaalkacyo ee ahaa in dagaalka la joojiyo, nabaddana laga shaqeeyo. […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa nasiib darro ku tilmaamay dagaalka dib uga qarxay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, ee u dhexeeya maamullada Galmudug iyo Puntland.

“Waa nasiib darro in la xushmeyn waayo ballanqaadkii shaley ay madaxda Puntland iyo Galmudug ku galeen Gaalkacyo ee ahaa in dagaalka la joojiyo, nabaddana laga shaqeeyo. Waxaan maamullada iyo madaxda Puntland iyo Galmudug xusuusinayaa in uu dhammaadey waqtigii isla xisaabtan la’aanta, dhiigga shacabka ee daadanayana cawaaqibkeeda la dhadhamin doono’’.

- Advertisement -

Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay horyaallaan hawlo badan oo u baahan in si wadajir ah loo wajaho, isla markaana dagaal dambe oo sokeeye aan la aqbali karin in shacabka lagu mashquuliyo.

Waxaa uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud intaa ku darey in khilaaf kasta oo dhaca uu ku qurux badan yahay in wadahadal lagu xaliyo, Soomaaliyana ay ka gudubtey xilligii qoriga wax lagu xalin lahaa.

“Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxaa ka go’an mar walbana ay sii wadeysaa dadaalka ku aaddan in xasaradda ka taagan Gaalkacyo nabad lagu xaliyo. Waxaan mar kale farayaa madaxda Puntland iyo Galmudug inay si buuxda ula shaqeeyaan Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke iyo mas’uuliyiinta kale ee dowladda ee hawlaha dhexdhexaadinta ku guda jira’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

- Advertisement -

Waxaa uu ugu dambeyn Madaxweynaha ugu baaqey hoggaamiyeyaasha Galmudug iyo Puntland, Cabdikariim Xuseen iyo Cabdiweli Maxamed Cali inay u hoggaansamaan, si buuxdana u fuliyaan heshiiski shaley lagu kala saxiixday Gaalkacyo.

© Radio Dalsan                

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts