HomeWararMadaxweynaha iyo Wakiiladda Beesha Caalamka  oo kulan degdeg ah ka yeeshay xiisadaha...

Madaxweynaha iyo Wakiiladda Beesha Caalamka  oo kulan degdeg ah ka yeeshay xiisadaha ka taagan Gaalkacayo.

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Xarunta Madaxtooyada kulan degdeg ah kula yeeshay wakiillada beesha caalamka u jooga Soomaaliya, isagoo kala hadlayey dagaalka ka taagan magaalada Gaalkacyo. Madaxweynaha ayaa danjireyaashaasi uga waramey xaaladda ka taagan Gaalkacyo, isagoo sheegay inuu dhowr jeer maanta khadka telefonka kula hadley Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, madaxweyneyaasha […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Xarunta Madaxtooyada kulan degdeg ah kula yeeshay wakiillada beesha caalamka u jooga Soomaaliya, isagoo kala hadlayey dagaalka ka taagan magaalada Gaalkacyo.

Madaxweynaha ayaa danjireyaashaasi uga waramey xaaladda ka taagan Gaalkacyo, isagoo sheegay inuu dhowr jeer maanta khadka telefonka kula hadley Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, madaxweyneyaasha maamullada Puntland iyo Galmudug, Cabdiweli Maxamed Gaas iyo Cabdikariim Xuseen Guuleed, dhammaantoodna ay u caddeeyeen inay rajo ka qabaan in degdeg dagaalka loo joojiyo.

- Advertisement -

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in xiisadaha ka taagan Gaalkacyo ay dowladda dadaal weyn u gashey sidii loo xalin lahaa, taasi darteedna, isaga iyo Ra’iisul Wasaarahana ay uga baaqsadeen shirar caalami ah oo dalka dibeddiisa ay uga qeybgeli lahaayeen.

“Kama daaleyno inaan xal nabadeed u raadino dagaalka Gaalkacayo, hase yeeshee waxaan madaxda maamullada kala duwan ee dalka iyo shacabkaba u jeedinayaa in isla xisaabtan uu jiri doono, mar dambena aysan dhici doonin in shacabka la waxyeeleeyo iyadoon cidna loo raacan. Beesha caalamkana waxaan ka codsaneynaa inay gacan nagu siiso dadaallada aan wadno ee ku aaddan nabadda iyo inuu sharciga si buuxda u shaqeeyo’’, ayuu Madaxweynaha u sheegay wakiilladaasi ka socday beesha caalamka.

Mr Raisedon Zenenga, oo ah Ku Xigeenka Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya , oo horkacayey wakiillada Beesha Caalamka, ayaa soo dhoweeyay dadaalka madaxda Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ee ku aaddan xal u helista dhibaatada ka jirta Gaalkacayo.

- Advertisement -

Mr Zenenga ayaa sheegay in beesha caalamka ay dowladda Soomaaliya ka taageeri doonto tallaabo kasta oo lagu xaqiijinayo joojinta dhiigga ku qubanaya Gaalkacayo, iyo in lala xisaaabtamo kuwa colaaddaasi hurinaya.

Wafdiga beesha caalamka ayaa ugu baaqey madaxda iyo maamullada Galmudug iyo Puntland inay degdeg ugu hoggaansamaan heshiiskii nabadeed ee shaley lagu kala saxiixdey Gaalkacayo.

Kulankaasi waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari, oo isna ka warbixiyey dadaalka Mudanayaasha Baarlamanka u galeen xalinta dagaalka Gaalkacayo.

—DHAMMAAD—

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so
www.villasomalia.gov.so

 

Latest stories