HomeWararMaxkamad ku taalla Kenya oo xukun ku riday Muwaadin British lala xiriirinayo...

Maxkamad ku taalla Kenya oo xukun ku riday Muwaadin British lala xiriirinayo Alshabaab

Date:

Related stories

Soomaaliya oo taariikhdii ugu horeysay ka qayb gashay shirka ITF

Soomaaliya oo taariikhda ku qortay markii ugu horreysay ka qaybgalka Shirka ITF ee Jarmalka. Agaasimaha Guud Cumar Afrax: “Madasha ayaa na ku casuuntay xubin buuxda.”

Caleemo-saarka Jabuuti: Xasan Sheekh oo xoojiyay xiriirka gobolka

Xasan Sheekh oo ka qayb galay caleemo-saarka Jabuuti Jabuuti, 10...

EU iyo Soomaaliya oo xoojisay iskaashigooda istiraatiijiga

EU iyo Soomaaliya oo adkeeyay iskaashiga istiraatiijiga

Koonfur Galbeed oo si weyn u qabatay doorashadii Qof iyo Cod

Koonfur Galbeed oo si weyn u qabatay doorashadii Qof iyo Cod

President Hassan Sheikh Travels to Djibouti for President Guelleh’s Inauguration

Somali President Hassan Sheikh Mohamud arrived in Djibouti on...

Maxkamadda Sare ee magaalladda Mombasa waxaa maanta la soo taagay Jihadiste British oo lagu magacaabo Jermayne Garant, kaasi oo lala xiriirinayo inuu jaal la ahaa Haweeneyda Britishka ee  Samantha Lewthwhite, laguna naanayso Carmalada Cad.

Jermaine Grant

Eedeysanaha waxaa kaloo lagu helay inuu haystay Dukumentiyo la been abuuray, kuna hawlanaa sidii uu ku heli lahaa Warqadaha Aqoonsiga ee Muwaadinimadda Kenya, waxaana lagu xukumay Xabsi 9-sanno ah.

Garsooraha Maxkamadda Sare, Martin Muya ayaa xukunka ku dhawaaqay, wuxuuna Eedeysanaha u sheegay inuu haysto 14 maalmood oo uu Rafcaan kaga qaadan karo Xukunkaasi.

Jermaine Grant 1Jermayne Garant, waxaa la qabtay sannadkii 2012-kii, wuxuuna muddadaasi ku xirnaa Xabsiga Dhexe ee Shimo La Tewa oo ku yalla magaalladda Mombasa.

Dhinaca kale, Eedeysanaha ayaa la sheegay inuu ka tirsanaa Alshabaab, isla markaana uu saaxiib dhow la ahaa Haweeneyda Britishka ee lagu nanaayso Carmaladda Cad,  oo ay Boliska Caalamiga ee INTERPOL baadigoobayaan.

Carmalada Cad ayaan la ogeyn halka ay ku sugan tahay, inkastoo Sirdoonka Reer Galbeedka rumeysan yihiin inay weli ku sugan tahay gudaha Somalia, iyadoo u dhaxda Hoggaamiye Sare oo ka tirsan Xarakadda Alshabaab.

© Radio Dalsan             

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories