HomeWararKumanaan Dhallinyarro Kenyan la la’aa oo la sheegay inay ku biireen Alshabaab.

Kumanaan Dhallinyarro Kenyan la la’aa oo la sheegay inay ku biireen Alshabaab.

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Hay’addaha Ammaanka Kenya ayaa sheegay in inta badan Dhallinyaradaasi oo Arday ahaa la waayey, kadib, markii lagu tashkiiliyey inay ka mid noqdaan Dagaalamayaasha Alshabaab. Wargeyska The Star ee ka soo baxa Nairobi, waxa uu ka soo xigtay Hay’addaha Ammaanka inay heleen Warar dhinaca Sirdoonka oo xaqiijinayo in aysan Alshabaab ka qoranin dhallinyarro Deegaannadda ay Muslimiinta […]

- Advertisement -

Hay’addaha Ammaanka Kenya ayaa sheegay in inta badan Dhallinyaradaasi oo Arday ahaa la waayey, kadib, markii lagu tashkiiliyey inay ka mid noqdaan Dagaalamayaasha Alshabaab.

Wargeyska The Star ee ka soo baxa Nairobi, waxa uu ka soo xigtay Hay’addaha Ammaanka inay heleen Warar dhinaca Sirdoonka oo xaqiijinayo in aysan Alshabaab ka qoranin dhallinyarro Deegaannadda ay Muslimiinta ku badan yihiin sida Mandera, Garissa, Wajer, Mombasa, Isiolo iyo Marasabit, balse ay haatan bilaabeen inay dad ka qortaan Deegaano kale.

- Advertisement -

Meelaha cusub ee la tilmaamay ayaa waxaa ka mid ah magaallooyinka Eldoret, Nakuru, Kisumu, Busia, Kakamega iyo magaallooyin kale oo waa weyn.

Boliska Kenya waxay horey u shaaceen Rag lagu tuhunsan yahay inay ka dambeeyaan Dhallinyarada muuqooda la waayo, lana sheego inay ku biiraan Alshabaab.

Boliska waxay dhowr jeer carabaabin rag lagu kala magacaabo Abdifatah Abuubakar Ahmed iyo Ahmed Iman Ali.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Wargeyska The Star waxa uu qoray in Wararka dhinaca Sirdoonka sheegayaan in dadka Alshabaab u qora Dhallinyaradda ku sugan gudaha Kenya ay isticmaalaan Xayeysin culus ee dhinaca Online-ka iyo Warbaahinta Caadiga, iyagoo Dhallinyarradda u sameeya Ballanqaadyo la xiriira in laga bixin karo kharajka Jamaacado ku yaalla Somalia iyo dalalka Bariga Dhexe, waa sida uu Wargeysku qoray.

© Radio Dalsan                     

Latest stories