HomeWararIsrasaaseen Goor-dhaw Laga Maqlay Koofurta Magaalada Gaalkacyo

Israsaaseen Goor-dhaw Laga Maqlay Koofurta Magaalada Gaalkacyo

Date:

Related stories

Deni Faces Criticism Over Somaliland Secession Push

Somalia’s Interior Minister Ali Yusuf Ali (Xoosh) on Tuesday...

Somalia nears completion of new Danab base amid anti-Al-Shabaab push

Somalia’s military says a new base for the elite...

Dowladda Federaalka oo Farriin Adag ka Dirtay Midnimada Soomaaliya

Dowladda Federaalka oo Farriin Adag ka Dirtay Midnimada Soomaaliya Muqdisho...

Bayaan ka Soo Baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Bayaan ka Soo Baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Muqdisho | 18...

Cabinet clears reform agenda ahead of planned elections

Somalia’s cabinet has endorsed a new roadmap to implement...

Dagaal ayaa lagu soo warramayaa inuu hadda ka bilowday halkii ay isku hor fadhiyeen, 2-dii todobaad ee ugu dambeysay, ciidamada Puntland iyo kuwa Galmudug ee magaalada Gaalkacyo, halkaas oo uu ku sugan yahay Reysal-Wasaaraha dalka, Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke.

Sida ay dad goobjoogayaal ah u sheegeen Radio-ga Dalsan, dagaalku waxa uu ka bilowday goob lagu magacaabo Cagaaran, oo ka tirsan Xaafadda Garsoor oo ku taala Koofurta magaalada Gaalkacyo.

Dadka farakutiriska ah ee magaalada Gaalkacyo qaar ka mid ah waxa ay u sheegeen Dalsan in ay ciidamo ka tirsan maamulka Puntland soo rideen rasaas, kuwa Galmudugna ay ka jawaabeen, hase ahaatee aanu dagaalku u xooganeen sidii kuwo baryo sii horeysay ka dhacay halkaas oo kale.

Cabsida ayaa badan, waxaana suuragal ah, in hadii aysan hogaamiyayaasha dagaalkaas wada ka hortagin, in ay xiisaddu sii balaarato, taasoo keeni karta dhibaato leh dhimasho, dhaawac, burbur hantiyadeed iyo barakac intaba.

Israsaaseentan hadda ka socota Gaalkacyo ayaa bilaabatay iyada oo ay magaaladaas ku sugan yihiin Reysal-Wasaaraha dalka, Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubba, Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) iyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), oo qeybta Waqiiyi ee magaalada hadda wada jooga iyo Madaxweynayaasha maamulada Galmudug iyo Koofur Galbeed, oo iyaguna hadda isla jooga qeybta Koofureed ee magaalada.

Dagaalka laga soo sheegay Gaalkacyo goordhaw, ilaa iyo hadda lama ogaan qasaarihiisa, hase ahaatee aqristayaal dib ayaan hadba wixii kusoo kordha idinkala soo socodsiin doonaa.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories