HomeWarar(War Wadajir Ah): Madaxda Galmudug iyo Puntland oo loogu baaqay inay...

(War Wadajir Ah): Madaxda Galmudug iyo Puntland oo loogu baaqay inay Wada-xaajood Nabadeed ku xaliyaan Dagaalka Gaalkacayo.

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

    War Wadajir ah oo ay QM, Urur-gobaleedka IGAD, Midowga Europe (EU), Dowladaha Maraykanka, Talyaaniga iyo Sweden maanta ka soo saareen magaalladda Muqdisho ayaa waxay ku baaqeen dhamaan kooxaha dagaalamayo in si degdeg ah loo joojiyo colaadda Gaalkacayo, isla markaana la furo Wada-xaajood Nabadeed si xal Nabadeed loogu helo arrimaha lagukala aragtida duwan yahay. […]

- Advertisement -
- Advertisement -

 

UN

- Advertisement -

IGAD USAITALY

EU

SWEDENWar Wadajir ah oo ay QM, Urur-gobaleedka IGAD, Midowga Europe (EU), Dowladaha Maraykanka, Talyaaniga iyo Sweden maanta ka soo saareen magaalladda Muqdisho ayaa waxay ku baaqeen dhamaan kooxaha dagaalamayo in si degdeg ah loo joojiyo colaadda Gaalkacayo, isla markaana la furo Wada-xaajood Nabadeed si xal Nabadeed loogu helo arrimaha lagukala aragtida duwan yahay.

- Advertisement -

Wxay walaac xooggan ka muujiyeen dagaalka Labada Maamul-gobaleed ka dhex qarxay bishan November 20-dii, kuna geeriyoodeen ugu yaraan 15 qof, halka 30 kalena ku dhaawacmeen.

“Waxaan ugu baaqaynaa Hoggaamiyayaasha Puntland iyo Galmudug inay Khilaafkooda ku xaliyaan Wada-xaajood Nabadeed iyo in si wadajir looga shaqeeyo sidii loo taageeri lahaa dadka rayidka ee ku baracay dagaalladii dhawaan dhacay” ayaa lagu yiri Qoraalka.

Waxaa kaloo Hoggaamiyayaasha lagu booriyey inay Ciiddankooda Ammaanka barataan inay gadaal u joogsadaan, iyo in laga wada daad-gureeyo Khadka Gaalkacayo u kala qeybiyey Koonfurta iyo Waqooyiga, si looga hortago inuusan mar kale dhiig ku daadanin.

Dhinaca kale, qoraalka ay sida wadajirka u soo saareen QM, IGAD, EU, Maraykanka, Talyaaniga iyo Sweden ayaa lagu soo dhaweeyey dadaalka Ra’isul-wasaare Sharmaarke ku doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda Gaalkacayo, lana helo Xal Nabadeed oo buuxa.

Waxay kaloo Beesha Caalamka ammaaneen dadaalka Odayaasha Dhaqanka ee Waqooyiga iyo Koonfurta Gaalkacayo ee u istaagay soo-celinta nabadda iyo in laga hortago inuusan dagaal kale dhicin.

© Radio Dalsan      

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts