HomeWararRajo wanaagsan oo laga qabo Heshiis Buuxa oo laga gaaro Dirirtii Gaalkacayo.

Rajo wanaagsan oo laga qabo Heshiis Buuxa oo laga gaaro Dirirtii Gaalkacayo.

Date:

Related stories

Somalia Trains First Government Cybersecurity Cohort

The National Communications Authority (NCA) has completed its first...

Golaha Shacabka oo dhaariyey Wasiirka Warfaafinta cusub

Soomaaliya: Golaha Shacabka oo dhaariyey Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdifitaax Qaasim.

HIQ oo xiray tababarkii shahaadooyinka amniga saaybarka

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gebagebeysay tababarkii shahaadooyinka amniga saaybarka.

Soomaaliya oo taariikhdii ugu horeysay ka qayb gashay shirka ITF

Soomaaliya oo taariikhda ku qortay markii ugu horreysay ka qaybgalka Shirka ITF ee Jarmalka. Agaasimaha Guud Cumar Afrax: “Madasha ayaa na ku casuuntay xubin buuxda.”

Caleemo-saarka Jabuuti: Xasan Sheekh oo xoojiyay xiriirka gobolka

Xasan Sheekh oo ka qayb galay caleemo-saarka Jabuuti Jabuuti, 10...


Xusul-duubkii uu Ra’isul-wasaaraha Xukuumadda Federalka hayinka ugu hayey Xal-u-raadinta Dirirtii magaalladda Gaalkacayo ayaa guul laga gaaray, iyadoo ay Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug oggolaadeen Hindisaha Nabadda ee loo soo bandhigay.

Ra’isul-wasaare Omar Sharmaarke, waxa uu galangal siyaasadeed u galay sidii loo damin lahaa Ololka Colaadeed ee Gaalkacayo ka qarxay bishan November 22-dii, wuxuuna dagaalkaasi noqday mid ay Ummadda Soomaaliyeed ka walaacaan, kana xumaadaan inay dad walaalo ah ku le’daan Dagaalkaasi oo ka dhashay arrin la xalin karo.

Ra’isul-wasaaraha waxa uu gelinkii hore ee maanta la kulmay Madaxweynaha Dowlad-gobaleedka Galmudug, C/kariim Xuseen Guuleed oo uu kala xaajooday sidii lagu gaari lahaa Xal Nabadeed.

Madaxweyne Guuleed ayaa sheegay inAY  oggolaaday dhamaan 4-ta qoddob ee loo soo bandhigay, si loo xaliyo colaadda, waxayna qoddobadaasi kala yihiin:

  1. Xabbad Joojin iyo in Muuqaalka Colaadeed laga waayo Gaalkacayo.
  2. In Ciiddanka la kala qaado.
  3. In dadkii barakacay soo laabtaan.
  4. In la magacaabo Guddi Wada-xaajood oo ka wada hadla waxa la isku hayo.

Ra’isul-wasaare Sharmaarke, waxa uu soo dhaweeyey sida uu Madaxweynaha Galmudug u aqbalay Qoddobadda Nabadda, wuxuuna ugu baaqay Maamulladda Puntland iyo Galmudug inay si wadajir ah isku waqti ugu dhawaaqaan Xabbad-joojinta iyo Nabadda.

Ra’isul-wasaaraha waxa uu dagaalkii Galakacayo ku tilmaamay Ayaan-darro, wuxuuna u tacsideeyey dadkii ku geeriyooday shaqaaqadaasi, wuxuuna ku baaqay inaysan mar dambe dhicin dagaallo ka dhicin Gaalkacayo.

SAFAR 00Dhinaca kale, Madaxweynaha Dowlad-gobaleedka Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa isagana Saxaafadda u sheegay inay aqbaleen Qoddobadda Nabadda, isla markaana ka qeyb qaadan doonaan Dadaalka Nabadda.

SAFAR 3Waxa uu ku baaqay in cidda leh mas’uuliyadda dagaalka dusha laga saaro, isagoo carrabka ku dhuftay inaysan Puntland mas’uul ka ahayn wixii dhacay.

SAFAR 1

Si kastaba ha ahaatee, Caawa waxaa magaalladda Gaalkacayo ku sugan Ra’isul-wasaare Sharmaarke iyo dhamaan Madaxweynayaasha Dowlad-gobaleedyadda hoos taga Dowladda Federalka, kuwaasi oo ay ka go’an tahay in Xal buuxa laga gaaro Colaadda Gaalkacayo.


© Radio Dalsan

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories