HomeWararR.W. Sharmarke “Gaalkacyo waxaan ka noqoneynaa markii ay nabaddu shaqayso oo dadkii...

R.W. Sharmarke “Gaalkacyo waxaan ka noqoneynaa markii ay nabaddu shaqayso oo dadkii barakacay guryahoodii ku soo laabtaan”

Date:

Related stories

President Hassan Sheikh Travels to Djibouti for President Guelleh’s Inauguration

Somali President Hassan Sheikh Mohamud arrived in Djibouti on...

Somalia Faces 40% Drop in Imports and Rising Inflation, Cabinet Responds

Somalia’s federal cabinet today approved new security regulations and...

Soomaaliya iyo Burkina Faso oo iska kaashanaya amniga

Fartaag oo Burkina Faso kula wadatay argagixisada Ouagadougou, – Wasiirka Amniga...

Somalia’s Office of Attorney General Presses Charges on Saadiya Bajaj

The Office of the Attorney General of Somalia announced...

Deni oo tababar hubka culus u furay dagaalka Argagixisada

Puntland: Madaxweyne Deni oo tababar hubka culus iyo hoggaaminta u furay duufacdii 6-aad ee PMPF. “Waxaan kalsooni qabaa in ay difaaci doonaan dadka.” Akhri maqaalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo uu ka mid yahay Madaxweynaha dawlad gobolleedka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, Wasiirro iyo Xildhibaanno ayaa galinkii danbe ee maanta gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, halkaas oo soo dhaweyn diiran loogu sameeyey. Wafdiga ayaana deegaanka u soo gaaray dhamaynta colaadii ka dhacay Gaalkacyo.

RW1Ra’iisul Wasaare Sharmarke oo soo dhaweynta kadib Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay si deg deg in lagu soo afjari doono colaada dhiiggu ku daatay ee degmada Gaalkacyo ka dhacday, isagoo xusay maalinta barri in ay kulan guud wada qaadan doonaan Madaxweynaha Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweynaha Galmudug Mudane C/kariin Xuseen Guuleed, wuxuuna dhinaca kale rajo ka muujiyay colaadii dhacday in wada hadal lagu dhamayn doono.

“Aad ayaan uga xumahay dagaalka ka dhacay Gaalkacyo maalmihii u dambeeyey, waana dagaal ay wax yeelo ka soo gaartay dad shacab ah, madaama dushooda lagu dul dagaalamay. Waxaan Gaalkacyo u nimid in aan soo afjarno colaada maalmahan socotay, halkaan waxaan dib uga noqoneynaa markii ay nabaddu shaqayso oo dadkii barakacay guryahoodii ku soo laabtaan. Ayuu yiri R.Wasaare Cumar.

Xaaladda Magaaladda Gaalkacyo ayaa dagan saacadihii la soo dhaafay, waxaana halkaas horey ugu sugnaa wafdi uu Hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Odawaa iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/G Maxamed Aaden Axmed kuwaas oo kulamo kala duwan la qaatay dhinacyada ay xiisaddu u dhexeyso.

—-DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka 
Muqdisho, Somalia 
media.opm@gmail.com 
Twitter: @SomaliPM

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories