HomeWararQM oo fududeynayso Kharajkii Dowladda Kenya kaga baxay Hawlgalka La-dagaalanka Alshabaab.

QM oo fududeynayso Kharajkii Dowladda Kenya kaga baxay Hawlgalka La-dagaalanka Alshabaab.

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

QM ayaa dabcisay baaritaankii adkaa ee ay ku xaqiijinaysay Qaan-sheegtadda Dowladda Kenya ee Kharajka kaga baxay Hawlgalka lagula dagaalamayo Xarakadda Alshabaab. QM waxay Dowladda Kenya ku wareejin doontaa  Lacag dhan 22.5 million oo Dollar oo ay Dowladda Kenya ku kharaj-gareysay Hawlgalka ay Ciiddankooda kula jiraan Dagaalamayaasha Alshabaab wixii ka dambeeyey bishii June ee sannadkii 2012-kii. […]

- Advertisement -

QM ayaa dabcisay baaritaankii adkaa ee ay ku xaqiijinaysay Qaan-sheegtadda Dowladda Kenya ee Kharajka kaga baxay Hawlgalka lagula dagaalamayo Xarakadda Alshabaab.

QM waxay Dowladda Kenya ku wareejin doontaa  Lacag dhan 22.5 million oo Dollar oo ay Dowladda Kenya ku kharaj-gareysay Hawlgalka ay Ciiddankooda kula jiraan Dagaalamayaasha Alshabaab wixii ka dambeeyey bishii June ee sannadkii 2012-kii.

- Advertisement -

Kharajkaasi ayaa waxa uu qorshuhu ahaa inay QM ku wareejiso Safiirka Kenya u jooga Xarunta QM ee magaalladda New York, inkastoo aan weli la bixinin lacagahaasi.

Dukumentiga Maaliyadda ee dalkaasi ayaa waxay muujiyeen in dib-u-dhigista Bixitaanka Lacagahaasi ay waxyeello ku hayeen Kharajka Hawlgalkaasi ee bilihii la soo dhaafay.

Kharajka Dib-u-bixinta ee ay QM siinayaan Dowladda Kenya inay xiriir la leedahay Qorshaha QM ee lagu xaqjiinayo Sheegashada Kharajka ay Dowladda Kenya kaga baxay Ciiddankooda qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM ee ku sugan gudaha Somalia.

- Advertisement -

Askariga Kenyaanka ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM waxa bil kasta la siiyaa mushaar dhan 1,028 Dollar oo u dhiganta 88,408 Kenya Shillings.

Bishii October ee sannadkii 2011-kii ayey Dowladda Kenya waxay 4,660 Askari u soo direen gudaha Kenya, kadib, markii ay kordheen weeraradda ay Alshabaab ka geystaan gudaha Kenya.

Sannadkii 2012-kii, Golaha Ammaanka ee QM ayaa Nalka Cagaaran u shiday Kenya, si ay Ciiddankooda qeyb uga noqdaan Hawlgalka AMISOM, iyadoo laga saacidayo Kharajka ku baxa Ciiddankaasi.

© Radio Dalsan

Latest stories