HomeWararCiiddamo Kenyaan iyo Helikoptaro la soo dhoobay xuduudka Somalia, cabsi la xiriirta...

Ciiddamo Kenyaan iyo Helikoptaro la soo dhoobay xuduudka Somalia, cabsi la xiriirta Hawlgalladda Alshabaab.

Date:

Related stories

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Wasiir Xoosh oo booqday matxafka Qaranka ee ciidanka Algeria

Wasiir Xoosh oo booqday Matxafka Qaranka ee Algeria. Wuxuu xusay halgankii gobannimo-doonka iyo muhiimadda iskaashiga labada dal.

kdf 55Iyadoo ay Dagaalyahanno ka tirsan Xarakadda Alshabaab dhowrkii isbuuc ee la soo dhaafay hawlgalo ka fuliyeen daafaha iyo gudaha Xuduudka W/bari Kenya ayaa waxay Dowladda Kenya go’aansatay inay Ciiddamo dheeraad ah u soo daabulaan xuduudka, si ay uga hortagaan hawlgalladda Alshabaab.

kdf 3Xiriiriyaha W/bari Kenya, Mohamoud Salah ayaa sheegay inay aad u adag tahay inay Ciiddanka ilaalo ka qabtaan xuduudka sababo la xiriira iyadoo ay roobab xooggan da’een iyo Waddooyinka oo aad u xun.

Waxa uu intaasi ku daray inay Ciiddamo dheeraad iyo Helikoptaro keenayaan Xuduudka, si ay ilaalo qorsheysan uga qabtaan Dagaalyahannadda Alshabaab ee ku sii qulqulayo gudaha Kenya.

helicopterWaxa uu tilmaamay inay Alshabaab culays kala kulmeen Hawlgalladda AMISOM ka wadaan gudaha Somalia, isla markaana ay door bideen inay ka soo dusaan xuduudka Kenya, waa sida uu hadalka u yiri.

Hadalka Mas’uulkaasi ayaa yimid, kadib, markii ay Dagaalyahanno ka tirsan  Alshabaab isbuucii hore u khudbeeyeen dadka ku nool Degmadda Konton ee Wajeer Bari, waxayna halkaasi ka taageen Calanka u gaarka ah Xarakadda Alshabaab.

© Radio Dalsan                

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories