HomeWararWasiirka Gaashaandhigga oo beeniyey inay Ciiddanka Qaranka qeyb ka yihiin Dagaalka Gaalkacayo.

Wasiirka Gaashaandhigga oo beeniyey inay Ciiddanka Qaranka qeyb ka yihiin Dagaalka Gaalkacayo.

Date:

Related stories

Somalia Trains First Government Cybersecurity Cohort

The National Communications Authority (NCA) has completed its first...

Golaha Shacabka oo dhaariyey Wasiirka Warfaafinta cusub

Soomaaliya: Golaha Shacabka oo dhaariyey Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdifitaax Qaasim.

HIQ oo xiray tababarkii shahaadooyinka amniga saaybarka

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gebagebeysay tababarkii shahaadooyinka amniga saaybarka.

Soomaaliya oo taariikhdii ugu horeysay ka qayb gashay shirka ITF

Soomaaliya oo taariikhda ku qortay markii ugu horreysay ka qaybgalka Shirka ITF ee Jarmalka. Agaasimaha Guud Cumar Afrax: “Madasha ayaa na ku casuuntay xubin buuxda.”

Caleemo-saarka Jabuuti: Xasan Sheekh oo xoojiyay xiriirka gobolka

Xasan Sheekh oo ka qayb galay caleemo-saarka Jabuuti Jabuuti, 10...

Maamul-gobaleedka Puntland ayaa waxay ku eedeysay inay Ciiddanka Dowladda Federalka ku lug leeyihiin dirirta ka socota magaalladda Gaalkacayo.

Wasiirka Difaaca ee Somalia, Jeneral C/qaadir Shiikh Cali Diini ayaa si kulul u beeniyey arrintaasi, wuxuuna ugu baaqay Kooxaha ku dagaalamayo Gaalkacayo inay joojiyaan Xabbadda, lana bilaabo Wada-hadal Nabadeed.

Waxa uu tilmaamay inay jirin wax caddaymo oo muujinaya Eedeymaha loo soo jeediyey Ciiddanka Qaranka, wuxuuna hoosta ka xariiqay in baaritaanno lagu samaynayo ciddii magaca Ciiddanka Qaranka kaga qeyb galay Dagaalka Gaalkacayo.

Dhinaca kale, waxa uu ku baaqay in la joojiyo dagaalka Gaalkacayo, oo uu ku tilmaamay inuu yahay fal laga tiiraanyoodo inay dad Soomaali ah ku geeriyoodaan ama ku dhaawacmaan dagaalkaasi.

Si kastaba ha ahaatee, magaalladda Gaalkacayo ayaa maanta deggan, kadib, markii ay shalay ka dhaceen dagaallo sababay dhimasho, dhaawacayo iyo bililiqo.

© Radio Dalsan

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories