HomeWararSiyaasi Salaad Cali Jeelle oo ku baaqay in Xal-siyaasadeed lagu dhameeyo Colaadda...

Siyaasi Salaad Cali Jeelle oo ku baaqay in Xal-siyaasadeed lagu dhameeyo Colaadda Gaalkacayo

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Guddoomiyaha Xisbiga Midnimada iyo Dimuqraadiyadda, Md. Salaad Cali Jeelle ayaa waxa uu sheegay in wax laga xumaado tahay Dagaalka maalmihii la soo dhaafay ka dhacay magaallo-madaxda Gobalka Mudug ee Gaalkacayo. Guddoomiyaha oo la hadlay Radio Dalsan ayaa ugu baaqay Madaxda Dowlad-gobaleedyadda Galmudug iyo Puntland inay joojiyaan colaadda, isla markaana ay Wada-xaajood ku xaliyaan Khilaafka Taagan. […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha Xisbiga Midnimada iyo Dimuqraadiyadda, Md. Salaad Cali Jeelle ayaa waxa uu sheegay in wax laga xumaado tahay Dagaalka maalmihii la soo dhaafay ka dhacay magaallo-madaxda Gobalka Mudug ee Gaalkacayo.

Guddoomiyaha oo la hadlay Radio Dalsan ayaa ugu baaqay Madaxda Dowlad-gobaleedyadda Galmudug iyo Puntland inay joojiyaan colaadda, isla markaana ay Wada-xaajood ku xaliyaan Khilaafka Taagan.

- Advertisement -

“Soomaalida wey ka soo daashay Colaad, umana hamuun qabaa in mar kale la daadiyo dhiig sokeeye, waana inuu Caqliga taliyaa” ayuu yiri Md. Salaad Cali Jeelle, oo mar soo noqday Wasiir-ku-xigeenka Gaashaandhigga ee Dowladdii KMG ee Madaxweyne Marxuum C/llaahi Yuusuf Axmed.

Guddoomiyaha Xisbiga Midnimada iyo Dimuqraadiyadda waxa uu farta ku fiiqay inay jiraan Shaqsiyaad ujeedo Siyaasadeed ka leh Dagaalka Galkacayo, wuxuuna ugu baaqay Siyaasiyiinta labada dhinac inay u turaan dadka rayidka, lagana joojiyo dagaalka sababay dhimashadda, dhaawaca iyo Barakaca Baahsan.

Dhanka kale, Md. Salaad Cali Jeelle waxa uu soo dhaweeyey Guddiga Dowladda Federalka u magacowday Dhexdhexaadinta ee Maamulladda Puntland iyo Galmudug, wuxuuna dadka Reer Gaalkacayo ku booriyey inay ka wada shaqeeyaan Nabadda iyo Walaaltinimadda, wixii Khilaaf ahna lagu xaliyo Miiska Nabadda.

- Advertisement -

© Radio Dalsan

Latest stories