HomeWararDhakhtar Somali oo la shaqeyn jirey Boliska Manchetser oo shaqada laga joojiyey.

Dhakhtar Somali oo la shaqeyn jirey Boliska Manchetser oo shaqada laga joojiyey.

Date:

Related stories

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Elite Gorgor Forces Complete Training in Türkiye

The Ground Forces Commander Brigadier General Sahal Abdullahi Omar...

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Dr. Abdullahi Abdi Yussuf oo Somali ah ayaa laga hakiyey hawlihii shaqo ee uu u qaban jirey Boliska magaalladda Manchester , iyadoo la faray inuu soo dhiso Ku-hadalka Fiican ee Luqadda Englishka. Dr. Abdullahi Abdi Yussuf  waxa uu Boliska gacan ka siin jirey baaritaanadda Dembiilayaasha weli gacanta Boliska ku jira. gaar ahaan Dembiilayaasha isticmaala Daroogadda […]

- Advertisement -

Dr. Abdullahi Abdi Yussuf oo Somali ah ayaa laga hakiyey hawlihii shaqo ee uu u qaban jirey Boliska magaalladda Manchester , iyadoo la faray inuu soo dhiso Ku-hadalka Fiican ee Luqadda Englishka.

Dr. Abdullahi Abdi Yussuf  waxa uu Boliska gacan ka siin jirey baaritaanadda Dembiilayaasha weli gacanta Boliska ku jira. gaar ahaan Dembiilayaasha isticmaala Daroogadda iyo Khamriga.

- Advertisement -

Shaqo-joojintiisa waxay timid, kadib, markii ay Golaha Guud ee Daawadda (The General Medical Council (GMC) walaac ka muujiyeen inaysan suurtogal ahayn in la fahmo Hadalkiisa.

Qoraal loo gudbiyey Maxkamadda Manchester ayaa lagu sheegay  inay Golaha GMC u soo gudbiyeen in Dr. Abdullahi Abdi Yussuf  aad u liidato Luqadiisa Englishka, kadib, markii la dhegeystay Wada-hadal Telefoonka uu kaga warbixinayey qof uu ka turjumayey.

Dhakhtarka wax shaki ah lagama muujinin Heerkiisa Aqoontiisa ee uu Xirfadda u leeyahay.

- Advertisement -

Dr. Abdullahi Abdi Yussuf waxaa lagu amray inuu iska dhiso Luqadda Englishka, iyadoo Imtixaan laga qaadi doono 18-ka bilood ee soo socda, waxaana laga digay haddii uu ku dhaco Imticxaanka in laga qaadayo Tallaabooyin dheeraad ah.

Dhakhtarka oo 49 jir waxa uu haystaa Shahaadada Dhakhtarnimadda oo uu ka soo qaatay Jamaacad ku taalla dalka Talyaaniga oo lagu magacaabo The Sapienza University of Rome.

Dr. Abdullahi Abdi Yussuf waxa uu dalka Britain yimid muddo haatan laga joogo 13 sanno, waxaana u diiwaan gashan inuu  yahay Agaasimaha Rugta Cafaimaadka Gaboose Health Care.

© Radio Dalsan   

Latest stories