HomeWararNin Somali oo lagu eedeeyey inuu dilay gabar Maraykan oo dacwadiisa dib...

Nin Somali oo lagu eedeeyey inuu dilay gabar Maraykan oo dacwadiisa dib loo dhigay

Date:

Related stories

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Elite Gorgor Forces Complete Training in Türkiye

The Ground Forces Commander Brigadier General Sahal Abdullahi Omar...

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Isaaq Cabdinuur oo 35 jir ayaa la soo taagay Maxkamadda Woodbury County District Court ee magaalladda Siyokis ee Gobalka Iyowa (IOWA), kadib, markii lagu soo oogay inuu dilay Gabar Maraykan oo la oran jirey Korneliya Isteed oo 43-jir ahayd. Eedeysanaha ayaa la sheegay inuu gabadhaasi oo ay is-jeclaayeen dilay bishii June 23-dii ee sannadkan, kadib, […]

- Advertisement -

Isaaq Cabdinuur oo 35 jir ayaa la soo taagay Maxkamadda Woodbury County District Court ee magaalladda Siyokis ee Gobalka Iyowa (IOWA), kadib, markii lagu soo oogay inuu dilay Gabar Maraykan oo la oran jirey Korneliya Isteed oo 43-jir ahayd.

Eedeysanaha ayaa la sheegay inuu gabadhaasi oo ay is-jeclaayeen dilay bishii June 23-dii ee sannadkan, kadib, markii uu dhex maray muran khaas ahaa.

- Advertisement -

Dukumentiyo la hor keenay Maxkamadda ayaa waxay Baarayaasha ku sheegeen inuu muran dhex maray Lammaanahaasi, kadibna uu feer iyo Toorey la dhacay gabadhii.

Eedeysanaha waa uu beeniyey inuu isagu dilay Saaxiibtiisa.

Kaaliyaha Xeer-ilaaliyaha Gobalka Woodbury, James Loomis ayaa sheegay in Eedeysanaha lagu samaynayo Baaritaan Madax-bannaan ee dhinaca fal-dembiyeedka, waxaana loo diray inuu soo baaro Dr. Tim Kockler oo ka hawlgala Xarunta baaritaannadda Dembiyadda iyo Maydadka ee The Iowa Medical and Classification Center

- Advertisement -

Dhinaca kale, Eedeysane Isaaq Cabdinuur ayaa la filayaa in mar kale Maxkamadda la soo taago bisha Janaayo 26-da ee sannadka soo socda ee 2016-ka, waxaana uu muteysan karaa Xabsi Daa’in aan cafis lahayn haddii lagu helay Dembigaasi.

© Radio Dalsan

Latest stories