HomeWararMadaxweynaha Jabuuti oo sheegay inaysan Dowladaha Carabta isku mowqif ka ahayn Arrimaha...

Madaxweynaha Jabuuti oo sheegay inaysan Dowladaha Carabta isku mowqif ka ahayn Arrimaha Somalia.

Date:

Related stories

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Md. Ismail Omar Gelle waxa uu hadalkaasi ku sheegay Wareysi maanta lagu soo daabacay Wargeyska Asharqal-awsad ee laga leeyahay dalka Sacuudiga, balse lagu daabaco dalka Britain. Waxa uu sheegay inay Dowladaha Carabta isku mowqif ka ahayn Arrinta Somalia, taasi oo uu xusay inay ka door-bideen Arrimaha dalka Yemen, wuxuuna ku celceliyey in Xaalladda Somalia la […]

- Advertisement -

Md. Ismail Omar Gelle waxa uu hadalkaasi ku sheegay Wareysi maanta lagu soo daabacay Wargeyska Asharqal-awsad ee laga leeyahay dalka Sacuudiga, balse lagu daabaco dalka Britain.

Waxa uu sheegay inay Dowladaha Carabta isku mowqif ka ahayn Arrinta Somalia, taasi oo uu xusay inay ka door-bideen Arrimaha dalka Yemen, wuxuuna ku celceliyey in Xaalladda Somalia la mid tahay Xaalladda ka jirta Yemen.

- Advertisement -

Madaxweynaha waxa uu sheegay inay Dowladiisa kaalin muhiim ah kaga jirto Taageeradda la siinayo Dowladda Somalia, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay Jabuuti tahay dalka Keliya ee Carab iyo Islaam ah ee Ciiddamo Nabad-ilaalin ah u diray dalka Somalia.

“Waxaan taageero ka geysanaa Arrimaha Somalia, iyadoo ay Jabuuti Maxfal kasta oo Gobaleed ama Caalami ka muujiyaan arrintaasi” ayuu yiri Madaxweyne Gelle oo intaasi ku daray inay Jabuuti 4 jeer gogol u dhigtay Shirweynaha Dib-u-heshisiinta Somalia.

Madaxweynaha dalka Jabuuti, waxa uu ugu baaqay Beesha Calaamka inay  Dowladda Somalia la garab istaagaan Taageero doc kasta leh, si ay u noqoto Dowlad Buuxda oo hannan karta Awoodda Maamul ee guud ahaan dalka Somalia.

- Advertisement -

Waxa uu intaasi ku daray inay Somalia dhibaato ku hayaan Dagaalamayaasha Alshabaab iyo Burcad-baddeeda, isla markaana loo baahan yahay inay Beesha Caalamka taageero ka geystaan sidii looga guuleysan lahaa Kooxahaasi.

Mar wax laga weydiiyey Saldhigyadda ay Milliteriga Maraykanka, Faransiiska iyo Japan ku leeyihiin Jabuuti, waxa uu sheegay in lagu ilaalinayo Danaha Jabuuti iyo Danaha dalalkaasi, maadaama Jabuuti ku taallo goob Istaraatijiyad leh.

Waxa uu intaasi ku daray Hadafka Saldhigyadaasi inay tahay sidii loo sugi lahaa Ammaanka iyo Deganaanshaha Mandaqidda iyo guud ahaan Ammaanka Caalamka.

© Radio Dalsan

Latest stories