HomeWarar(Dhegeyso Wareegtadda): Xukuumadda Federalka oo isku shaandheyn kooban lagu sameeyey

(Dhegeyso Wareegtadda): Xukuumadda Federalka oo isku shaandheyn kooban lagu sameeyey

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Muqdisho, November 23, 2016——-Waxaan halkaan idiin kugu soo gudbinaynaa digreeto kasoo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Waxaana Dikreetadan ku xusan isbadal kooban iyo xilka-qaadis lagu sameeyey qaar ka mid ah Golaha Wasiiradda ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya. Digreetadan ayaa waxaa saxaafada u aqriyay Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xarbi Cali Kullane. […]

- Advertisement -


Muqdisho, November 23, 2016——-
Waxaan halkaan idiin kugu soo gudbinaynaa digreeto kasoo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Waxaana Dikreetadan ku xusan isbadal kooban iyo xilka-qaadis lagu sameeyey qaar ka mid ah Golaha Wasiiradda ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya.

Digreetadan ayaa waxaa saxaafada u aqriyay Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xarbi Cali Kullane. Halkan ka dhegeyso: codka isku-shaandheynta Dowladda Waxaa xilka qaadistan iyo magacaabida lagu sameeyey qaar kamid Golaha Wasiiradda ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya aqbalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Waxaa xilka Wasiirnimo ee Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha Laga qaadey Mudane Cabdiraxman Cabdi Cusmaan, waxaana xilkaas loo magacaabey Mudane Eng. Cabdirashiid Maxamed Axmed inuu noqdo Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha.

- Advertisement -

Sidoo kale, Waxaa xilka Wasiirnimo ee Wasaaradda Korontoda iyo Biyaha laga qaadey Mudane, Maxamed Xasan Aaden (Shaahiyow) waxaana xilkaas loo magacaabey Mudane Maxamed Mursal Sh. Cabdiraxmaan in uu noqdo Wasiirka Wasaaradda Korontoda iyo Biyaha.

—-DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka 
Muqdisho, Somalia 
media.opm@gmail.com 
Twitter: @SomaliPM

Latest stories