HomeWararSomali-Maraykan u hanjabay Xeer-ilaaliyaha Guud ee Maraykanka oo la xukumay

Somali-Maraykan u hanjabay Xeer-ilaaliyaha Guud ee Maraykanka oo la xukumay

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Maxkamadda Heerka Degmo ee Gobalka Minnesota waxaa shalay la soo taagan Muwaadin Somali-Maraykan lagu magacaabo Mohamed Abukar Saciid, kaasi oo lagu eedeeyey inuu Farriin Twitter oo cabsi-gelin ah u soo diray Haweeneyda Madaxda ka ah Waaxda Caddaaladda Maraykanka, ahna Xeer-ilaaliyaha Guud ee Maraykanka, Loretta Lynch.

Mohamed Abukar Saciid oo 20-jir ah  ayaa waxaa bishii April lagu soo oogay labo fal-dembiyeed, kadib, markii uu Xeer-ilaaliyaha Guud Maraykanka u soo diray Fariin Twitter oo uu ku sheegay inuu aad u caraysan yahay.

Waxa uu caradiisa ku fasiray inuu ka qaaday, kadib, markii ay Dacwad-oogayaasha dacwado ku soo oogeen 6 ka mid ah Saaxiibadiisa, kuwaasi oo lagu tuhunsan yahay inay ku biiri lahaayeen Kooxda Daacish.

Eedeysane Mohamed Abukar waxa uu bishii hore codsaday in laga cafiyo Dembigaasi, isagoo sheegay markii uu soo dirayey Fariinta Twitterka inuu aad u isticmaalay Daroogadda Marijuwaanaha.

Dhinaca kale, Garsooraha Maxkamadda Heerka Degmo, Lawrence Piersol ayaa sheegay isagoo xeerinayo xaallado badan oo haysata Eedeysanaha inuu go’aansaday inuu ku xukumo 4 sanno, si uu ugu helo fursad uu kaga nasto Balwadaha iyo caafimad-xumida dhinaca Dhimirka.

Garsooruhu waxa uu tilmaamay inuusan Eedeysanaha ka muuqanin Ficilada Xag-jirnimadda, balse uu u baahan yahay xaallad ka dhowr karta dhibaatooyinka Balwadda.

© Radio Dalsan                 

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories