HomeWararEU-da oo Kenya ugu deeqday qeyb ka mid ah Kharajka loo qoondeeyey...

EU-da oo Kenya ugu deeqday qeyb ka mid ah Kharajka loo qoondeeyey soo-celinta Qaxootiga Soomaalida.

Date:

Related stories

Somaliland President Irro Set for Official Visit to Israel

Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi, known as Irro, is...

President Mohamud: Opposition lacks political vision since 2023

Somali President Hasan Sheikh Mohamud said opposition groups have...

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka Cammaan, Urdun...

Three Officers Wounded as Al-Shabaab Strikes Elite SOG Base in Mandera

Three police officers sustained injuries when suspected Al-Shabaab fighters attacked a Special Operations Group (SOG) camp in Fino, located in Lafey Sub-County, Mandera County, on Friday night.

Somalia Gives Referee Omar Artan a Hero’s Welcome After U.S. Entry Denial

“What happened will not disappoint me, and I promise you that I will participate in the 2030 World Cup,” he said. He also urged Somali youth not to lose faith in their country or their passport.
- Advertisement -

Wakiilka Ergadda Midowga Europe u joogta dalka Kenya, Stefano Dejak ayaa Yaboohaasi ku dhawaaqay mar uu Madaxweyne-ku-xigeenka Kenya, William Ruto kula kulmay magaalladda Nairobi.

Ergayga waxa  uu tilmaamay in 50 million Euro ku yabooheen, si loogu socodsiiyo Kharajka Qaxootiga Soomaalida ee dib loogu celinayo dalkooda hooyo.
Madaxweyne-ku-xigeenka Kenya, William Rutowaxa uu ka codsaday Dowladaha EU-da inay kordhiyaan Kaalmadda Lacageed ee Qaxootiga Soomaalida ee ku sugan Xerada Dhadhaab dib loogu celinayo dalkooda hooyo.

- Advertisement -

“Waxaa Kenya qaxooti ahaan ugu noolaa Hal million oo Qaxooti muddo badan, waxaana Qaxootiga lagu celiyey Heshiiska Saddex-geesoodka ee ay kala saxiixdeen Dowladaha Kenya, Somalia iyo Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga (UNHCR).

Dhinaca kale, Wakiilka Ergadda Midowga Europe u joogta dalka Kenya, Stefano Dejak ayaa sheegay inay Kharajka Dowladaha Midowga Europe horey ugu ballan-qaadeen Dib-u-celinta Qaxootiga Soomaalida dhawaan la soo gaarsiin doono Dowladda Kenya.

Madaxweyne-ku-xigeenka Kenya, William Ruto ayaa ah Mas’uulkii ugu horreeyey ee ka tirsan Dowladda Kenya ee sida qayaxan u amray in Qaxootiga Soomaalida laga wada saaro Xerooyinka Kenya, isagoo ku eedeeyey inay wax ka maleegaan weeraradda Dagaalamayaasha Alsshabaab ka geystaan gudaha Kenya.

- Advertisement -

Diplomaasiyiinta Caalamka iyo Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ayaa gaashaanka ku dhuftay Eedeymaha William Ruto oo ay dacwadi kaga furan tahay Maxkamadda Caalamiga ee Dembiyadda ee ku taalla magaalladda The Hague ee dalka Holland.

© Dalsan Radio

 

 

Latest stories