HomeWararSacuudiga oo la sheegay inaysan raalli ka ahayn Kaalinta Jabuuti ee La-dagaalanka...

Sacuudiga oo la sheegay inaysan raalli ka ahayn Kaalinta Jabuuti ee La-dagaalanka Xarakadda Alshabaab

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Dukuemntiyo qarsoodi ah oo ay soo bandhigeen Kooxda  Burcadda jabsata Xogaha Kombiyuutaradda iyo Internetka ee  isku magacowday “The Yemen Cyber Army” ayaa waxaa ku jiray Qoraal ay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Sacuudiga bishii May ee sannadkan u direen Dowladda Maraykanka. Wakaalladda Wararka Fars News Agency (FNA) ee Iiraan ayaa soo bandhigtay Dukumentiyadda lagala soo baxay Xogaha […]

- Advertisement -

Dukuemntiyo qarsoodi ah oo ay soo bandhigeen Kooxda  Burcadda jabsata Xogaha Kombiyuutaradda iyo Internetka ee  isku magacowday “The Yemen Cyber Army” ayaa waxaa ku jiray Qoraal ay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Sacuudiga bishii May ee sannadkan u direen Dowladda Maraykanka.

Wakaalladda Wararka Fars News Agency (FNA) ee Iiraan ayaa soo bandhigtay Dukumentiyadda lagala soo baxay Xogaha Kombiyuutaradda Sacuudiga ee la jabsaday, iyadoo mid ka mid ah muujinayo sida loogu baahan yahay in ay Dowladaha Sacuudiga iyo Jabuuti kaga hortagaan Awoodda Iiraan ee ku xoogeysnayso gudaha dalka Jabuuti.

- Advertisement -

Wakaalladda FNA ayaa sheegtay in nuqul ka mid ah Warbixinta Wasaaradda Arrimaha Dibedda Sacuudiga loo soo diray iyaga iyo Websaytka ku caanka baxay Kashifaadda Wararka iyo Warbixinadda Xasaasiga ah ee WikiLeaks.

Wakalladda waxay kaloo shaacisay in mid ka mid ah Qoraallada laga helay Kombiyuutarada Sacuudiga ahaa qoraal uu Danjiraha Sacuudiga u jooga dalka Jabuuti kula taliyey  Wasaaradda Arrimaha Sacuudiga inay lama huraan tahay in la qaado Tallaabooyin lagu khalkgal-gelinayo ama lagu joojinayo Dhaqdhaqaaqyadda Iiraan ka wadaan dalka Jabuuti.

Qoraalka waxa uu Safiirka Sacuudiga ku gacan-sayray hadalka Maraykanka ee ku aadanaa inay Sacuudiga ku goodiyeen inay tallaabo ka qaadi doonaan  falalka ay Dowladda Jabuuti ku xidid-siibayso Dagaalamayaasha Alshabaabka Somalia.

- Advertisement -

Qoraalka waxaa kaloo lagu xusay in Dowlad xoog leh oo ka dhalata Somalia awoodi karto inayka guuleystaan Dagaalamayaasha Alshabaab iyo Burcad-baddeeda ka qowleysata Badda Somalia iyo Gacan-biyoodka Cadmeed.

Qoraalka waxaa kaloo lagu muujiyey inuu dal kasta qorshooyin iyo Danno ka leeyihiin dalka Somalia, taasi oo muujinayso inuu dalka Somalia leeyahy Xaalad Istaraatijiyadeed.

Dhinaca kale, Kooxda Burcadda jabsata Xogaha Kombiyuutaradda iyo Internetka ee  isku magacowday “The Yemen Cyber Army” waxay maalintii Khamiistii la soo dhaafay soo bandhigeen Warbixino iyo Dukumentiyo ay kala soo dhex baxeen in ka badan 3,000 oo Kombiyuutaro iyo Severs-yo ay leeyihiin Wasaaradaha Arrimaha Dibedda, Gudaha iyo Gaashaandhiga ee Dowladda Sacuudiga iyo Kumanaan E-mailo.

 

Xigasho: FNA.

© Radio Dalsan      

Latest stories