HomeWararPuntland waa inay sii daayaan Saxafi Jaamac Deperani.

Puntland waa inay sii daayaan Saxafi Jaamac Deperani.

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Guddiga Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha iyo Bariga Afrika  (The Horn of Africa Human Rights Defenders Project) iyo Isbahaysiga Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha ee Somalia waxay maanta si wadajir u soo saareen War-qoraal oo Maamulayaasha Dowlad-gobaleedka Puntland waajib uga dhigayo inay sida ugu dhaqsaha badan u sii daayaan Weriye Jamac Deperani. Weriyahaasi oo u shaqeeya Telefishinka Somali Channel […]

- Advertisement -

Guddiga Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha iyo Bariga Afrika  (The Horn of Africa Human Rights Defenders Project) iyo Isbahaysiga Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha ee Somalia waxay maanta si wadajir u soo saareen War-qoraal oo Maamulayaasha Dowlad-gobaleedka Puntland waajib uga dhigayo inay sida ugu dhaqsaha badan u sii daayaan Weriye Jamac Deperani.
Weriyahaasi oo u shaqeeya Telefishinka Somali Channel TV waxa bishan 19-dii u yeeray Boliska Maamulka Garowe, kadibna ay xireen, iyadoo aan loo sheegin wax sabab ah.

Waxaa lagu xiray Saldhigga Dhexe ee Garowe, waxaana bishan November 21-dii loo gudbiyey Xabsiga Dhexe ee Garowe, kadib, markii Maxkamadda Degmadda Garowe go’aansatay in Weriye Jamac Deperani la sii hayo 15 maalmood oo dheeri ah, si baaritaano dheer loogu sameeyo Kiiskiisa.

- Advertisement -

Jama Deperani waxa uu Soo-saare iyo Tebiye ka yahay Bandhig a Deperani (Deperani Show), oo inta badan lagu wareysto Siyaasiyiinta .

Bishan November 10-dii, Telefishinka Madaxa-bannaan ee Somali Channel oo Xaruntiisa Dhexe ku taallo magaalladda Londonwaxay Qoraal ka heleen Wasiirka Warfaafinta ee Puntland, kaasi oo ku amray in si KMG Weriyahaasi looga hakiyo Shaqadiisa Weriyenimo.

Afar maalin markii ay ka soo wareegtay Shaqo-joojintaasi, waxa uu Jama Deperani Wareysi la yeeshay Wasiirka Warfaafinta Puntland.

- Advertisement -

Markii uu helay Warqadda, waxa uu sii watay shaqadiisa, taasi ayaana aad loo rumeysan yahay sababta ka dambeysa xarigiisa.

Dhinaca kale, Agaasimaha Fulinta ee Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Bariga iyo Bartamaha Afrika (EHAHRDP), Dr. Hassan Shire ayaa sheegay in xarigga Jaamac Deperani farriin cad u tahay inay Maamulayaasha Puntland weerar ku hayaan Warbaahinta  in laga hadlo waxyaabaha la xiisaynayo ama la mucaarado Dowladda.

“Waxaan cambaaraynaynaa xariga sharci-darradda ee Jamac Deperani, kaasi oo ka horimaanayo Dastuurkeenna iyo Xuquuqda Aadanaha ee Calaamiga” sidaa waxaa yiri Guddoomiyaha Isbahaysiga Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha ee Somalia, Abdullahi Abdi.

Waxa uu mar kale ugu baaqay Dowlad-gobaleedka Puntland in suda ugu dhaqsaha badan loo sii daayo Jama Deperani, lana xushmeeyo Xorriyadda Hadalka iyo Xuquuqda Aadanaha.

© Radio Dalsan  

Latest stories