HomeWararDowladda Masar iyo Ururka Jaamacadda Carabta oo ka tacsideeyey Geeridii Ambassador Abdullahi...

Dowladda Masar iyo Ururka Jaamacadda Carabta oo ka tacsideeyey Geeridii Ambassador Abdullahi Hassan Mahamoud

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Masar, Samiix Shukri ayaa sheegay inay Dowladiisa tacsi u dirayso Dowladda iyo Shacbiga Soomalaiyeed, geeridii ku timid Danjirihii Somalia u joogay Masar, ahaana Wakiilka Joogtadda ee Somalia u joogay Xarunta Ururka Jamaacadda Carabta ee Qaahira, Ambassador Abdullahi Hassan Mahamoud oo shalay ku geeriyooday magaalladda Qaahira. Hadal-qoraal oo uu soo saaray […]

- Advertisement -

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Masar, Samiix Shukri ayaa sheegay inay Dowladiisa tacsi u dirayso Dowladda iyo Shacbiga Soomalaiyeed, geeridii ku timid Danjirihii Somalia u joogay Masar, ahaana Wakiilka Joogtadda ee Somalia u joogay Xarunta Ururka Jamaacadda Carabta ee Qaahira, Ambassador Abdullahi Hassan Mahamoud oo shalay ku geeriyooday magaalladda Qaahira.

Hadal-qoraal oo uu soo saaray Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Masar ayaa waxa uu ku sheegay inuu Ambassadorka ahaa Waddani Carbeed oo dadaal xooggan u galay Qaddiyadaha Carabta iyo Xoojinta Xiriiradda Iskaashiga ee u dhexeeya dalalka Somalia iyo Masar.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, Dr. Nabiil Al-carabi ayaa ka tacsideeyey geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Danjirihii Somalia u joogay Masar, ahaana Wakiilka Joogtadda ee Somalia u joogay Xarunta Ururka Jamaacadda Carabta ee Qaahira,Marxuum Ambassador Abdullahi Hassan Mohamoud.
NABIL ALARABI2

Nabiil Al-carabi, waxa uu sheegay inuu Danjiruhu ahaa Madaxa Safiiradda Afrika u jooga Masar, wuxuuna ku tilmaamay inuu Danjiruhu ahaa Waddani had iyo jeer difaacayey Danaha Somalia iyo Danaha Carabta, kana shaqeynayey Taageerida Xiriirka Somalia iyo Dowladaha kale ee Carabta.

AL 1

- Advertisement -

Allaha U Naxariistee, Marxuum Danjire Abdullahi Hassan Mohamoud oo 72-jir ah waxa uu Hawlaha Diplomaasiyadda ku soo jiray muddo 28-sanno ah, waxaana sannadkii 1987-kii loo magacaabay Danjirihii Somali u joogay dalka Algeria, iyadoo Sannadkii 1996-kii loo magacaabay Danjiraha Somalia ugu wakiilka ah dalka Masar iyo Wakiilka Joogtadda ee Somalia u joogay Ururka Jamaacadda Carabta.

Xilligii Qaran-burburka waxa uu u dhabar adeegay Xilkii Safiirnimo ee uu hayey, wuxuuna iibsaday Baaskiil si uu ugu guto Hawlaha Qaranka, waxayna Diplomaasiyiinta joogtay Qaahira ugu yeeri jireen Danjiraha Baskiilka.

Allaha U Naxariisto Danjiruhu waxa uu ifka kaga tegay labo xaas iyo 8 carruur.

SAAMAX SHUKRI, WAD MASAR

AL 2 AL 3

© Radio Dalsan     

Latest stories