HomeWararDUKUMENTI: Xiriirka dhow ee Eritrea iyo Alshabaab oo fududeyn kara Heshiiska Dowladda...

DUKUMENTI: Xiriirka dhow ee Eritrea iyo Alshabaab oo fududeyn kara Heshiiska Dowladda iyo Alshabaab.

Date:

Related stories

Soomaaliya oo taariikhdii ugu horeysay ka qayb gashay shirka ITF

Soomaaliya oo taariikhda ku qortay markii ugu horreysay ka qaybgalka Shirka ITF ee Jarmalka. Agaasimaha Guud Cumar Afrax: “Madasha ayaa na ku casuuntay xubin buuxda.”

Caleemo-saarka Jabuuti: Xasan Sheekh oo xoojiyay xiriirka gobolka

Xasan Sheekh oo ka qayb galay caleemo-saarka Jabuuti Jabuuti, 10...

EU iyo Soomaaliya oo xoojisay iskaashigooda istiraatiijiga

EU iyo Soomaaliya oo adkeeyay iskaashiga istiraatiijiga

Koonfur Galbeed oo si weyn u qabatay doorashadii Qof iyo Cod

Koonfur Galbeed oo si weyn u qabatay doorashadii Qof iyo Cod

President Hassan Sheikh Travels to Djibouti for President Guelleh’s Inauguration

Somali President Hassan Sheikh Mohamud arrived in Djibouti on...

WIKILEAKSKooxda Burcadda jabsata Xogaha ku kaydsan Kombiyuutaradda ee isku magacowda “The Yemen Cyber Army” ayaa soo bandhigtay Dukumentiyo ay kala soo baxeen Xogaha ku kaydsan Kumanaan Kombiyuutaro ay leeyihiin Hay’addaha Dowladda Sacuudiga, iyadoo Dukumentiyadaasi ku jiraan kuwo  khuseeya Arrimaha dalkeenna Somalia.

Wakaalladda Wararka Iiraan ee FARS News Agency “FNS” ayaa soo bandhigtay  Dukumantiyadda ay Burcadda Internetka hayaan, waxaana ku jira Qoraallo ay is-dhaafsadeen Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Sacuudiga iyo Safaaradooda ku taalla dalka Jabuuti.

Qoddobadda Farriimahaasi ugu muhiimsan  ayaa lagu  sheegay Kaalinta Dowladda Qatar ee dhexdhexaadinta Dowladda Federalka iyo Dagaalamayaasha Alshabaab, iyadoo lala kaashano Dowladda Eritrea oo galangal xooggan ku leh Arrimaha Somalia.

Waxaa kaloo la sheegay inay Eritrean ku sugan yihiin Somalia, iyagoo la jooga Dagaalamayaasha Alshabaab, waa sida lagu xusay Dukumentiga Qarsoodiga ee la helay.

Qoraalka waxay kaloo Dowladda Sacuudiga walaac xooggan ka muujisay Joogitaanka Iiraan ee Geeska Afrika, gaar ahaan Jabuuti.

Dowladda Sacuudiga waxay baqdin ka muujisay Isbedel ku yimaada Caqiidada Ummadda Soomaaliyeed, oo ay soo baxaan Soomaali Shiico ah, waa sida lagu xusay Dukumentiga ay soo bandhigeen Kooxda Burcadda Jabsata Xogaha Kombiyuutaradda ee “The Yemen Cyber Army” .

Qoraalka ay is-dhaafsadeen Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Sacuudiga iyo Safaaradooda ku taalla dalka Jabuuti, waxaa kaloo laga digay inay dhici karto inay Dadka Soomaaliyeed ee Shiicadda noqdo ay  cadowtooyo u qaadaan Sacuudiga, maadaama ay Somalia ka jirto nolol aad u xun.

Dhinaca kale, Qoraalka waxaa lagu muujiyey Qorshaha Qarsoon ee Milliteriga Maraykanka ee ku sugan Saldhigga ku yaalla dalka Jabuuti, waxaana la tilmaamay in looga dan leeyahay in Somalia lagu sameeyo Faragelin aan Toos ah, iyadoo QM laga codsanayo Fasaxa Faragelinta Somalia.

HALKAN KA DAALLACO LINKA:- Saudileaks 31: Envoy Asks Riyadh to Act to Stop Djibouti’s Tendency towards Iran

© Radio Dalsan     

 

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories