HomeWararGolaha Xukumaa’ul-Muslimiin " حكماء المسلمين" oo ugu baaqay Culumaa’udiinka Soomaaliyeed inay ka...

Golaha Xukumaa’ul-Muslimiin ” حكماء المسلمين” oo ugu baaqay Culumaa’udiinka Soomaaliyeed inay ka shaqeeyaan Danaha Qaranka.

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Xoghayaha Guud ee Golaha Xukumaa’ul-Muslimiin   Dr. Cali Alnaciimi ayaa baaqaasi ka jeediyey Shirweynaha xubnaha Golahaasi uga socda Xarunta Jaamacadda Islaamiga ee Al-azhar oo ku taalla caasimadda dalka Masar ee Qaahira. Dr. Cali Alnaciimi waxa uu tilmaamay in loo baahan yahay in la  qabto Shirweyne looga hadlayo Dib-u-heshiisiinta Ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay inay dhisayaan Gole isku […]

- Advertisement -

Xoghayaha Guud ee Golaha Xukumaa’ul-Muslimiin   Dr. Cali Alnaciimi ayaa baaqaasi ka jeediyey Shirweynaha xubnaha Golahaasi uga socda Xarunta Jaamacadda Islaamiga ee Al-azhar oo ku taalla caasimadda dalka Masar ee Qaahira.

Dr. Cali Alnaciimi waxa uu tilmaamay in loo baahan yahay in la  qabto Shirweyne looga hadlayo Dib-u-heshiisiinta Ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay inay dhisayaan Gole isku keena Culumaa’udiinka Soomaaliyeed si ay uga shaqeeyaan Dib-u-heshiisiinta iyo  Danaha Qaranka.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Kulanka Golaha Xukumaa’ul-Muslimiin   waxaa looga wada hadlay Weeraradda Argagixisadda, iyadoo lagu baaqay in laga hortago in Magaca Islaamka lagu waxyeeleeyo dad aan waxba galabsanin..

Hormuudka Jamaacadda Alazhar, Dr. Axmed Dayib oo shir-guddoominyey Kulanka Golaha Xukumaa’ul-Muslimiin  ayaa tilmaamay inaysan Diinta Islaamka wax lug ah ku lahayn Falalka Kooxaha Argagixisadda, wuxuuna xusay inuu Islaamku diidan yahay Argagixiso ama Irhaabka.

Kulanka Golaha Xukumaa’ul-Muslimiin waxaa Somalia uga qeyb galay Wasiirka Awqaafka ee Xukuumadda Federalka Somalia, Cabdulqaadir Sh. Cali Ibraahim (Baqdaadi)

- Advertisement -

Golaha Xukumaa’ul-Muslimiin  waxay kaloo shalay shir la yeesheen Madaxweynaha dalka Masar, C/fataax Alsiisii oo ay ku bogaadiyeen sida ay Dowladiisa culayska u saartay in wax laga qbato falalka Argagixisadda.

Golaha Xukumaa’ul-Muslimiin  waa Gole Marjac oo ay Caalamka Islaamka asaaseen bishii July ee sannadkii hore, waxayna Xaruntiisa Dhexe ku taallaa magaalladda Abu Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta

© Radio Dalsan
XUKUMAA ISLAAM 1XUKUMAA ISLAAM 2XUKUMAA ISLAAM 5 XUKUMAA ISLAAM 9 XUKUMAA ISLAAM 8 XUKUMAA ISLAAM 4 XUKUMAA ISLAAM 4 XUKUMAA ISLAAM 7 XUKUMAA ISLAAM 6 XUKUMAA ISLAAM 8 XUKUMAA ISLAAM 0000

Latest stories