HomeWararGolaha Xukumaa’ul-Muslimiin “المسلمين حكماء مجلس” oo ugu baaqay Culumaa’udiinka Soomaaliyeed inay ka...

Golaha Xukumaa’ul-Muslimiin “المسلمين حكماء مجلس” oo ugu baaqay Culumaa’udiinka Soomaaliyeed inay ka shaqeeyaan Danaha Qaranka.

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Xoghayaha Guud ee Golaha Xukumaa’ul-Muslimiin  “المسلمين حكماء مجلس”,  Dr. Cali Alnaciimi ayaa baaqaasi ka jeediyey Shirweynaha xubnaha Golahaasi uga socda Xarunta Jaamacadda Islaamiga ee Al-azhar oo ku taalla caasimadda dalka Masar ee Qaahira. Dr. Cali Alnaciimi waxa uu tilmaamay in loo baahan yahay in la  qabto Shirweyne looga hadlayo Dib-u-heshiisiinta Ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay inay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Xoghayaha Guud ee Golaha Xukumaa’ul-Muslimiin  “المسلمين حكماء مجلس”,  Dr. Cali Alnaciimi ayaa baaqaasi ka jeediyey Shirweynaha xubnaha Golahaasi uga socda Xarunta Jaamacadda Islaamiga ee Al-azhar oo ku taalla caasimadda dalka Masar ee Qaahira.

Dr. Cali Alnaciimi waxa uu tilmaamay in loo baahan yahay in la  qabto Shirweyne looga hadlayo Dib-u-heshiisiinta Ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay inay dhisayaan Gole isku keena Culumaa’udiinka Soomaaliyeed si ay uga shaqeeyaan Dib-u-heshiisiinta iyo  Danaha Qaranka.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Kulanka Golaha Xukumaa’ul-Muslimiin  “المسلمين حكماء مجلس” waxaa looga wada hadlay Weeraradda Argagixisadda, iyadoo lagu baaqay in laga hortago in Magaca Islaamka lagu waxyeeleeyo dad aan waxba galabsanin..

Hormuudka Jamaacadda Alazhar, Dr. Axmed Dayib oo shir-guddoominyey Kulanka Golaha Xukumaa’ul-Muslimiin  “المسلمين حكماء مجلس”,  ayaa tilmaamay inaysan Diinta Islaamka wax lug ah ku lahayn Falalka Kooxaha Argagixisadda, wuxuuna xusay inuu Islaamku diidan yahay Argagixiso ama Irhaabka.

Kulanka Golaha Xukumaa’ul-Muslimiin “المسلمين حكماء مجلس” waxaa Somalia uga qeyb galay Wasiirka Awqaafka ee Xukuumadda Federalka Somalia, Cabdulqaadir Sh. Cali Ibraahim (Baqdaadi)

- Advertisement -

Golaha Xukumaa’ul-Muslimiin “المسلمين حكماء مجلس” waxay kaloo shalay shir la yeesheen Madaxweynaha dalka Masar, C/fataax Alsiisii oo ay ku bogaadiyeen sida ay Dowladiisa culayska u saartay in wax laga qbato falalka Argagixisadda.

Golaha Xukumaa’ul-Muslimiin “المسلمين حكماء مجلس” waa Gole Marjac oo ay Caalamka Islaamka asaaseen bishii July ee sannadkii hore, waxayna Xaruntiisa Dhexe ku taallaa magaalladda Abu Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.

© Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts