HomeWararAskar Kenyan oo si dirqi ah kaga badbaaday Miino ay Alshabaab ugu...

Askar Kenyan oo si dirqi ah kaga badbaaday Miino ay Alshabaab ugu rakibeen geed ay Askarta ilaalo ahaan u fariistaan una dhow xuduudka Somalia

Date:

Related stories

Wasiirrada Xamsa oo Shaashad Lagu Kala Sarreysiiyay

Xamsa Cabdi Barre oo wasiirrada Xukuumadda DanQaran ku sameeyay qiimeyn waxqabad iyo isla xisaabtan.

Hindisaha ABUUR oo La Daah-furay, Ardayda Soomaaliyeedna Fursad Cusub

Xasan Sheekh oo daah-furay sannad-tacliimeedka 2026/2027, isagoo sidoo kale bilaabay Hindisaha ABUUR ee hal-abuurka ardayda.

Xasan Sheekh iyo Al-Issa oo Arrimo Xasaasi ah Ka Wada Hadlay

Xasan Sheekh oo Muqdisho ku qaabilay Al-Issa, iyagoo ka wada hadlay diinta, nabadda iyo iskaashiga Soomaaliya.

Xiriiriyaha Amamanka ee Gobalka W/bari Kenya, Maxamuud Salaax ayaa sheegay inay Ciiddan ka tirsan Boliska oo ilaalo ka hayey xuduudka lala eegtay miino loogu rakibay derbi ku hdow geed ay Ciiddanka ku harsadaan oo ku yaallay meel ku dhow xuduudka Somalia. Mas’uulka waa uu diiday inuu faahfahin dheeraad ka bixiyo qaraxaasi oo ah nooca  miinadda […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Xiriiriyaha Amamanka ee Gobalka W/bari Kenya, Maxamuud Salaax ayaa sheegay inay Ciiddan ka tirsan Boliska oo ilaalo ka hayey xuduudka lala eegtay miino loogu rakibay derbi ku hdow geed ay Ciiddanka ku harsadaan oo ku yaallay meel ku dhow xuduudka Somalia.

Mas’uulka waa uu diiday inuu faahfahin dheeraad ka bixiyo qaraxaasi oo ah nooca  miinadda meelaha fog laga hago ee I.E.D.

- Advertisement -

Sarkaal ka tirsan Boliska Kenya ayaa laga soo xigtay lagu inay Dagaalamayaasha Alshabaab xilli hebeen ah ay miinadda ku rakibeen Geedka ay inta badan ku harsadaan Ciiddanka Ilaaladda.

Sarkaalkaasi oo la hadlay Wakaallada Wararka Shiinaha ee XINHUA ayaa lagu sheegay inuu qaraxu bohol weyn ka qoday halkii lagu aasay miinadda.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu dhacay wax yar kadib, markii ay 6 Sarkaal oo joogay Xuduudka ay ka tageen goobta, si ay u soo qadeeyaan.

- Advertisement -

Dhinaca kale, waxaa la sheegayaa in goobta ay miinadu ku qaraxday tahay goobta ay Ciiddanka Kenya kaga qaataan Laaluushka Ganacsatada badeecadaha laga keeno Somalia u gudbiyaN Degmadda Mandhera.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts