HomeWararMaraykanka ma jari doonaa Kaalmadda Milliteriga Kenyanka ee Hawlgalka AMISOM ?

Maraykanka ma jari doonaa Kaalmadda Milliteriga Kenyanka ee Hawlgalka AMISOM ?

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Wargeyska Pittsburgh Post-Gazette ee ka soo baxa dalka Maraykanka ayaa waxa uu maanta qoray inay Maraykanka joojin doonaan Taageeradda ay siiyaan Milliteriga Kenya ee ka hawlgala gudaha Somalia, haddii ay Saraakiisha Maraykanka ku baraarugaan Hawlaha Ciiddanka Kenya kaga macaashaan Sonkorta Kontorobaan ay ka soo daabulaan gudaha Somalia. Wargeyska waxa uu  qoray in Kaalmadda loo baahan […]

- Advertisement -

KDF ARMYWargeyska Pittsburgh Post-Gazette ee ka soo baxa dalka Maraykanka ayaa waxa uu maanta qoray inay Maraykanka joojin doonaan Taageeradda ay siiyaan Milliteriga Kenya ee ka hawlgala gudaha Somalia, haddii ay Saraakiisha Maraykanka ku baraarugaan Hawlaha Ciiddanka Kenya kaga macaashaan Sonkorta Kontorobaan ay ka soo daabulaan gudaha Somalia.

Wargeyska waxa uu  qoray in Kaalmadda loo baahan yahay in haatan la jaro, ugu yaraan ilaa uu ka dhamaanayo Ganacsigaasi kulul ee ay Askarta Kenya, iyadoo Kalamadaasi noqotay mid lagu khasaaray.

- Advertisement -

Wargeyka Pittsburgh Post-Gazette waxa kaloo uu tilmaamay in Dhaqanka Dowladda Kenya kula ganacsadaan Alshabaab inay taasi tahay Mas’uuliyad-darro, iyadoo  guud ahaan xaalladda Musuqa ku hareeraysan tahay Dowladda Kenya.

Dowladda Maraykanka waxay Milliteriga Kenya siiyeen Kalamo Milliteri oo dhan 141-million oo Dollar muddadii u dhexeysay sannadihii 2010-kii ilaa 2004-tii ee Miisaaniyadda Hawlgalladda Somalia.

Waxay kaloo Milliteriga Maraykanka siiyeen sannadkii hore lacag dhan 38 million oo Dollar, iyadoo bishii May ee sannadkan 2015-ka  la sheegay in Kalamadda sannadkan la gaarsiin 100-million oo Dollar.

- Advertisement -

Wargeyska Pittsburgh Post-Gazette ee ka soo baxa Maraykanka waxa uu qoray in Dib-u-eegista Maraykanka ee lagu joojinayo Kalamadda Milliteriga Kenya lagu siiyo Hawlgalka Somalia inay timid, kadib, markii Warbixin cusub oo dhaaan la soo saaray ay Kashiftay Hawsha Qarsoon ee ay Ciiddanka Kenya ku hoos-wataan Hawlgalka Nabad-ilaalinta AMISOM.

Warbixinta Suxufiyiinta Caddaalad-doonka ee Journalists for Justice ee uu fadhigoodu dhexe ku yaallo magaalladda Nairobi, waxaa  lagu sheegay inay Ciiddanka Xiriir Macaash-wadaag la lahaayeen Alshabaab ilaa sannadkii 2011-kii, oo ay qeybsadaan Faa’idada laga helo Ganacsiga Sonkorta iyo Dhuxusha.

Shixnad Sonkor oo lagu qiimeeyey  400-million oo Dolalar ayaa waxay sannadkiiba laga soo dejiyaa Dekedda Kismaayo, waxaana Sonkortaasi si Kontorobaan ah loogu gudbiyaa gudaha Kenya.

Sidoo kale, Shixnad Dhuxul lagu qiimeeyey 100 million in laga helo sannadkiiba ayey Alshabaab iyo Ciiddanka Kenya wada qeybsadaan, sida lagu xusay Warbixinta Kooxda Journalists for Justice.

© Radio Dalsan

Latest stories