HomeWararMadaxweynaha oo soo dhoweeyay daah-furka kulamada madasha looga doorashada sannadka 2016-ka

Madaxweynaha oo soo dhoweeyay daah-furka kulamada madasha looga doorashada sannadka 2016-ka

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Wada tashiyada looga hadlayo hannaanka doorashada sannadka 2016-ka ayaa maanta ka bilowday guud ahaan dalka Soomaaliya.

Wada tashiyada ayaa lagu qabanayaa magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo, Kismaayo, Garowe iyo Cadaado, waxaana kulamadaasi midkiiba ka qeyb qaadan doona 150 qof oo gobolladaasi ka socda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyay bilowga kulamadan wadatashiyada ah.

“Maanta waa maalin qiimo badan u leh horumarka Soomaaliya ee la doonayo in waddanka looga hirgeliyo dimoqraadiyad. Maanta shacabka Soomaaliyeed dhammaantood: haweenka, dhalinyarada, ganacsatada, odayaasha iyo hoggaamiyeyaasha bulshada waxay isugu imanayaan inay ka wada tashadaan kana doodaan habka ugu wanaagsan ee Soomaaliya looga sameyn karo hannaan awoodda siyaasadda ee dalka si nabdoon la isugu wareejin lahaa bisha September ee sannadka 2016-ka’’.

Waxaa kale oo uu Madaxweynaha shacabka xusuusiyay mas’uuliyadda ka saaran in hannaankan socda uu najaxo.

“Hawshan ma ahan mid sahlan. Waqti ayay qaadan doonta, waxayna u baahan tahay go’aan adag. Waxaa hannaankan uu noqon doonaa mid daah-furan oo daacadnimo ku saleysan. Boqolaalka qof ee labada maalmood ee soo socda dalka gudihiisa isugu imaanaya waxaa saaran waajibaad culus oo ay ku kala xulanayaan noocyada doorasho ee waddanka ku habboon, iyagoo isla markaana dhiiban doona fikirkooda ku aaddan nooca doorasho ee waddankeena ku habboon sannadka 2016-ka’’, ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Natiijada ka soo baxda hannaanka wadatashiga ee maanta bilowday ayaa waxaa la horgeyn doonaa Madasha Wadatashiga Qaran bisha December 2015-ka.

Dastuurka KMG ee dalka ayaa dhigaya in Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Baarlamanka Federaalka muddadooda afarta sanno ay ku eg tahay bilaha August iyo September ee sanandka 2016-ka.

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada

© Radio Dalsan

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories