HomeWararGaroomadda Diyaaradaha iyo Ammaanka Guud ee Uganda oo la adkeeyey cabsida weeraradda...

Garoomadda Diyaaradaha iyo Ammaanka Guud ee Uganda oo la adkeeyey cabsida weeraradda Xarakadda Alshabaab.

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Boliska iyo Milliteriga Uganda ayaa bilaabay inay Roondo wadajir ah ku sameeyeen guud ahaan dalkaasi, si loo adkeeyo Ammaanka. Afhayeenadda Boliska iyo Uganda, Fred Enanga iyo Paddy Ankunda oo shalay shir jaraa’id ku qabtay Kampala, waxay sheegeen in Ciiddamo dheeraad ah la dhigay Kampala, Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha ee Entebe iyo Xuduudaha laga soo galo […]

- Advertisement -

Boliska iyo Milliteriga Uganda ayaa bilaabay inay Roondo wadajir ah ku sameeyeen guud ahaan dalkaasi, si loo adkeeyo Ammaanka.

Afhayeenadda Boliska iyo Uganda, Fred Enanga iyo Paddy Ankunda oo shalay shir jaraa’id ku qabtay Kampala, waxay sheegeen in Ciiddamo dheeraad ah la dhigay Kampala, Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha ee Entebe iyo Xuduudaha laga soo galo Uganda.

- Advertisement -

Afhayeenka Boliska waxa uu sheegay inay ka feejigan yihiin Weeraro uga yimaada Dagaalamayaasha Alshabaab, wuxuuna carrabka ku dhuftay inaysan Alshabaab heli doonin fursad ay weeraro uga geystaan gudaha Uganda.

Dhinaca kale, Xarakadda Alshabaab waxay horey uga digtay inay weeraro ka geysan doonaan dalkaasi, haddii aan Ciiddanka Uganda laga soo saarin gudaha dalka Somalia.

Bishii July ee Sannadkii 2010-kii, Dagaalamayaal Alshabaab waxay qaraxyo ka geysteen caasimadda dalka Uganda ee Kampala, halkaasi oo ay ku geeriyoodeen ugu yaraan 74 qof.

- Advertisement -

In ka badan 6,000 oo Askari oo Ugandese ah ayaa ku sugan Somalia, kuwaasi oo qeyb ka ah Hawlgalka AMISOM

 

Latest stories