HomeWararSirdoonka Kenya: Alshabaab waxay qorsheynayaan inay weerar geystaan.

Sirdoonka Kenya: Alshabaab waxay qorsheynayaan inay weerar geystaan.

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Ciiddanka Ammaanka Kenya ayaa qorshaynaya inay qeybo ka mid ah dalkaasi ka fuliyaan Hawlgal lagu soo qabanayo Dembiilayaasha la yaqaano iyo Unugyadda waxa loogu yeeray Argagixisadda muddada uu Baadariga weyn ee Masiixiga booqan doono Kenya. Hadal ka soo baxay Hay’addaha Sirdoonka iyo Ammaanka ayaa lagu sheegay in ujeedada Hawlgalkaasi tahay sidii looga hortegi lahaa weeraro […]

- Advertisement -

Ciiddanka Ammaanka Kenya ayaa qorshaynaya inay qeybo ka mid ah dalkaasi ka fuliyaan Hawlgal lagu soo qabanayo Dembiilayaasha la yaqaano iyo Unugyadda waxa loogu yeeray Argagixisadda muddada uu Baadariga weyn ee Masiixiga booqan doono Kenya.

Hadal ka soo baxay Hay’addaha Sirdoonka iyo Ammaanka ayaa lagu sheegay in ujeedada Hawlgalkaasi tahay sidii looga hortegi lahaa weeraro dhici kara muddada uu Pope Francis booqanayo Kenya oo la filayo inuu bishan November 25-da booqdo Kenya.

- Advertisement -

Warar dhinaca Sirdoonka Kenya ayaa sheegay in laga yaabo inay Dagaalamayaasha Alshabaab soo qaadaan weeraro ka hor inta uusan Baadariga Masiixiga imaanin dalkaasi ama muddada uu joogo Kenya iyo marka uu dhamaysto Booqashadaasi oo qaadan doonta muddo 2-maalmood.

Sarkaal sare oo ka tirsan Boliska Kenya oo Saxaafadda ka codsaday inaysan magaciisa shaacinin ayaa sheegay in Hawlgalo badan laga arki doono Nairobi ka hor booqashadda Pope Francis.

Xarakadda Alshabaab ayaa waxay afartii sanno ee la soo dhaafay weeraro ka fuliyeen gudaha Kenya oo ay ku geeriyoodeen boqolaal qof.

- Advertisement -

Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa wacad ku maray inay sii wadi doonaan weeraradda ay ka fuliyaan gudaha Kenya, tan iyo inta ay Ciiddankooda ku sugan yihiin gudaha dalka Somalia.

Ciiddankaasi waxay gudaha Somalia soo galeen bishii October 16-dii ee sannadkii 2011-kii, waxayna Alshabaab kala wareegeen magaalladda Istaraatijiyadda leh ee Kismaayo iyo Degmooyin kale oo ku yaalla Goballadda Jubbooyinka.

© Radio Dalsan

 

Latest stories