HomeWararXildhibaanadda Barlamaanka Federalka oo ku baaqay in Ciiddanka Kenya laga saaro gudaha...

Xildhibaanadda Barlamaanka Federalka oo ku baaqay in Ciiddanka Kenya laga saaro gudaha Somalia.

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Xildhibaanadda Barlamaanka Federalka Somalia  waxay maanta soo gebagebeeyeen Doodihii ay kala lahaayeen Qaddiyadda Dhismaha ay Kenya ka dhisayo gudaha Xuduudka Somalia la wadaago dalkaasi.

Xildhibaanadda waxay cod u qaadaan go’aan ku baaqayo in Xukuumadda Federalka qoraal u dirto Golaha Ammaanka ee QM oo lagu codsanayo in Ciiddanka Kenya laga saaro gudaha Somalia.

Weriyeheenna Farxiyo Maxamed Xuseen oo ku sugnayd Xarunta Barlamaanka ayaa soo sheegtay inay 160-Xildhibaan u codeeyeen Go’aankaasi, iyadoo uu Hal Xildhibaan ka soo horjeestay Go’aankaas.

Qaar ka mid ah Xildhibaanadda oo la hadlay Radio Dalsan ayaa soo dhaweeyey Go’aankaasi, waxayna sheegeen inaysan oggolaan Karin Tallaabadda ay Kenya Dhismaha Derbiga kaga dhisayo Xuduudka la aqoonsan yahay ee Jamhuuriyadda Federalka Somalia.

Xildhibaanadda waxay kaloo cambaareeyeen Ciiddanka Kenya ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM ee ku lugta leh Shabakadda Sonkorta Kontorobaanka ee laga qaado Dekedda Kismaayo, loona gudbiyo gudaha Kenya.

Si kastaba ha ahaatee, Go’aankan ayaa soo baxay, iyadoo aysan Xildhibaanadda horey ugu codeyn inay Ciiddanka dalalka safka hore kaga mid noqon karaan Hawlgalka Ciiddanka Nabad-ilaalinta Afrikaanka ee ku sugan gudaha Somalia ee AMISOM.

© Radio Dalsan

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories