HomeWararWarbixin: Safarka Madaxweynaha Dowladda Federalka ee Dalalka Uganda, Djibouti iyo Sacuudiga

Warbixin: Safarka Madaxweynaha Dowladda Federalka ee Dalalka Uganda, Djibouti iyo Sacuudiga

Date:

Related stories

Beesha Caalamka Oo Warbixin Ka Heshay Doorashada Soomaaliya

Guddiga Madax-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa Muqdisho kulan xogsiin ah kula yeeshay safiirrada iyo wakiillada beesha caalamka,

Farahaaga Waxaa Ku Jira Wax Aadan Ogayn

Dad badan ayaan waligood dareemin, balse faraha iyo suulasha dadka qaar waxaa ka baxa timo aad u yaryar oo khafiif ah. Maxay yihiin, maxaase sababa in dadka qaar ay yeeshaan kuwo badan?

Taliyaha Ciidanka XDS oo gaaray Turkiga si loo xoojiyo iskaashiga milateri

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gaaray Ankara, halkaas oo uu kulamo kula yeelan doono saraakiil iyo mas'uuliyiin Turkish ah oo looga hadlayo xoojinta iskaashiga difaaca,

Ciidanka Itoobiya oo baneeyay Buurhakaba, Soomaaliya oo la wareegtay amniga

Ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka AUSSOM ayaa ka baxay magaalada Buurhakaba kadib ku dhawaad 12 sano, iyadoo amniga magaalada lagu wareejiyay ciidamada Soomaaliya.

Laba xildhibaan oo u tartamaya guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya

Muqdisho – Doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho hawleed ku jooga caasimadda dalka Uganda ee Kampala, si uu kulan la leh dhigiisa dalkaasi, Yoweeri Museveni. Labada Madaxweyne ayaa lagu wadaa inay kulan ka yeeshaan Dardar-gelinta Hawlgalka AMISOM ee La-dagaalanka Xarakadda Alshabaab. Madaxweyne Xasan Sheekh marka uu dhamaysto booqashadda Uganda, waxa uu sii mari doonaa dalka Djibout, si […]

- Advertisement -

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho hawleed ku jooga caasimadda dalka Uganda ee Kampala, si uu kulan la leh dhigiisa dalkaasi, Yoweeri Museveni.

Labada Madaxweyne ayaa lagu wadaa inay kulan ka yeeshaan Dardar-gelinta Hawlgalka AMISOM ee La-dagaalanka Xarakadda Alshabaab.

- Advertisement -

Madaxweyne Xasan Sheekh marka uu dhamaysto booqashadda Uganda, waxa uu sii mari doonaa dalka Djibout, si uu ula kulmo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Labada Madaxweyne waxa u qorsheysan inay u baqoolaan dalka Sacuudiga, si ay uga qeyb galaan Shirweynaha Afaraad ee Hoggaamiyayaasha 22-ka waddan ee xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta iyo 12-ka Waddan ee  ku yaalla Koonfurta Qaaradda Amerika oobishan November  11-da ka furmi doona caasimadda dalka Sacuudiga ee Riyadh.

Shirweynahaasi oo socon doona muddo 2 cisho ayaa waxaa looga hadli doonaa Qaddiyadaha Calaamka, Dalxiiska, Tacliinta, Ammaanka, Teknoolajiyadda, La-dagaalanka Argagixisadda, Xiriirka labada dhinac, Arrimaha Somalia, Yemen, Libya iyo Xiisadda Dowladaha Arjentina iyo Britain ee Jesiiradda Falkland Island.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Shirka Hordhaca ee Madaxda dalalka Carabta iyo kuwa Latin America ayaa waxa uu shalay ka furmay caasimadda dalka Sacuudiga ee Riyadh, iyadoo uu shir-guddoominayey Madaxa Wasaaradda Arrimaha Dibedda Sacuudiga ee ugu qaabilsan Xiriirka Caalamiga, Amiir Turki Bin Maxamed  Bin Saciid.

Madaxa Ergadda dalka Brazil, Maria Dola Rice ayaa sheegtay in guul laga gaaray Iskaashiga dalalka Carabta iyo kuwa Latin America, iyadoo uu Xiriirkaasi haatan 10-sanno jirsaday.

Shirweynaha Madaxda dalalkaasi oo afartii sannaba mar la qabto ayaa waxaa Kulankoodii koowaad uu ka dhacay dalka Brazil, iyadoo Shirkoodii Labaadna uu ka dhacay dalka Qatar, Kii saddexaadna dalka Peru, iyadoo Shira Afaraadna uu bishan 10-da ka furmayo caasimadda dalka Sacuudiga ee Riyadh.

© Radio Dalsan

 

Latest stories